Maydadka Dad La Dilay Wakhtigii Midabkala Sooca Oo Koonfur Afrika La Soo Faqay

Wasaaradda garsoorka ee waddanka South Africa waxay ku dhawaaqday in haraaga lafihii 83 maxaabiis siyaasadeed ahaa la soo qufayo. Dhammaan dadkaas waxaa la dilay waagii xukunka midabtakoorka uu ka jiray dalkaas.

Haraaga dadkaasi waxay ku aasan yihiin dhulka xabsiga la oran jiray Pretoria Prison, oo ah isla xabsiga uu qayb xariggiisa ka mid ah ku qaatay ciyaartoyga caanka ah ee Oscar Pistorius oo lagu xukumay inuu dilay gabadhii ay saaxiibka ahaayeen ee Reeva Steenkamp.

Haraaga lafaha maxaabiista siyaasadeed waa la caddeyn doonaa cidda ay yihiin kaddibna waxaa lagu wareejin doonaa qoysaskooda si ay dib ugu aasaan.

Maxaabiis siyaasadeed oo tiradooda guud ay tahay 130 ayaa lagu daldalay xabsiga loo yiqiin Pretoria Prison intii u dhexaysay 1960 iyo 1990.

Badankoodu waxay xubno ka ahaayeen laba urur oo caan ahaa oo la kala oran jiray Pan Africanist Congress iyo United Democratic Front, kuwaas oo ahaa laba dhaqdhaqaaq oo sida ururkii ANC ee Nelson Mandela hoggaamin jiray dagaal kula jiray xukunkii caddaanka laga tiro badan yahay.

Waxaa hore loo soo faagay haraaga 47 maxbuus, waxaana haatan wasaaradda garsoorku ku dhawaaqday mashruuc dib loogu soo qodayo lafaha 83 maxbuus oo kale.

Markii ugu dambaysay ee maxbuus la daldalo waxay ahayd 1989 inkastoo xukunkii dilka dalkaas laga mamnuucay lix sano kaddib waqtigaas iyadoo la soo saaray dastuur cusub.

Iyadoo dhaxalka halgankii xornima doonka uu weli meel muuqata uga jiro siyaasadaha dalka South Africa, haddana dadka qaar ayaa isweydiinaya waqtiga arrintan lagu dhawaaqay iyadoo la filayo in doorashooyin dowladaha hoose la qabto dabayaaqada sanadkan.

BBC