“Maya maya maya, anigu Kaadh ma qaadan, mabda’ayguna waa halkiisii” Musharax Kijaandhe

 

Hargeysa(SLpost)- Iyadoo maalmihii u dambeeyay fiintu kala dhex miranaysay saddexda Musharax ee Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe oo isku garab ah iyo garabka ay hogaaminayaan Muuse Biixi iyo madaxweyne xigeenka Somaliland, ayaa Musharax Kijaandhe maanta bookhday xarunta xisbiga Kulmiye ee ay ka socoto diwaangalinta golaha dhexe.

 

 

Mudane Kijaandhe oo ka mid ah musharaxiinta diidan diwaangalinta xarunta xisbiga ka socota ayaa saxaafaddu waydiisay sababta uu u yimid xarunta xisbiga  oo ay ku xoog bateen garabka Muuse Biixi “Waxaan ku lahaa shaqo khalad ah ayaad haysaan oo idinkoo Muuse Biixi u ololaynaya ayaad haddana dhexdhexaad iska dhigaysaan oo leedihiin xisbiga ayaanu u shaqaynaynaa, markaasi intaas ayaan uga tagay,” ayuu yidhi musharax Kijaandhe.

 

 

Xildhibaan Kijaandhe ayaa la waydiiyay inuu soo dabcay oo uu garabka Muuse u xaglinayo waxaanu ku jawaabay “ Maya maya maya, anigu Kaadh ma qaadan, mabda’ayguna waa halkiisii,” waxaanu intaasi raaciyay inay taladiisa kaga jawaabeen inay wada hadli doonaan “ waxay yidhaahdeen waynu wada hadlaynaa.”

 

 

Isagoo ka sii hadlaya dooda uu la hortagay garabka Muuse taabacsan waxa uu yidhi “Waxaan ku idhi dhexdhexaad ma tihidin, xisbiga ha inaga xumaynina, ha kala jabinina, ha kala qaybinina ee faraha ka qaada. Waxay yidhaahdeen  “intaas uun baanu haynaa hawl oo kaadhadhka uun baanu bixinaynaa,” dabeed waxaan idhi sidee dhexdhexaad u tihiin idinkoo Muuse Biixi U Ololaynaya oo xaflad kasta oo uu leeyahay tagaya, taydiina aan iman, tii Maxamed Biixi Yoonis-na iman, oo xafladda Cabdicasiis Samaale iman sidee baad hawl dhexdhexaada u haysaan ayaan ku idhi,” ayuu yidhi Mr Kijaandhe.

 

 

Garabka Musharaxiinta isbahaystay ayaa u muuqda in lagaga xoog batay xarunta xisbiga maadaama hogaanka xisbiga afar ka mid ahi yihiin garabka Kulmiye, kuwaasi oo kala ah Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Madaxweyne xigeenka, Xoghayaha guud iyo xubinta xilku ka dhammaaday ee golaha dhexe hogaaminaya.