Maxweyne Ku Xigeenka Oo Dhagax Dhigay Dhisme Cusub Oo Lo Dhisayo Wasarada Xanada Xoolaha Somaliland .

Hargaysa(SLPOST(-Madexwene Kuxigeenka Somaliland Md:Cabdi raxmaan Ismaciil Saylici ayaa shalay  dhagax dhigay dhisme ay yelan donto Wasarada Xananada Xolaha Somaliland.

Dhismahan oo la ga dhaxdhisayo xarunta wasarada xananada xoolaha somalailand ayaa waxa xadhig ka jarideda kasoo qayb galay ,madaxweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaciil Saylici,wasirka wasarada xananda xolaha md:Cabdi aw Haahir iyo masuliyiinkale oo xukumada katirsan shaqalaha wasaradasi ,ugu horayntii wasiirka wasarad xananada xoolaha Somaliland oo halkasi kahadlay ayaa waxa uu shegay in ay mushrucan u yahay mid ay xukumadu qacan weyn ka gaysatay oo anay cid kalena ayna ka cawin waxa uu tilmamay in ay soo wadaan mashruucyo kale oo lagu hori marinaayo seeraha ay xoluhu daqaan iyo waliba goobo lagu xananeyo xolaha oo la furidono dagmooyinka , waxana isaga oo kahadlay uu ydhi.

“Waxaynu dhagax dhigaynaa xaruunti Wasarada Xananada Xoolaha oo kamid ah mashariicdi ay xukumadu  madaxweyne Axmed Maxamed Maxmuud Silanyo ay balan qaday waliba ku jiray shirki dib uu qimayn ta in qimayn wayn la siyo wasaradaha wax soo sarka sida wasarada Xananada Xoolaha ,Wasarad a,Beeraha,Wasarada kalumaysiga,maha oo kali mashruucan mid ay hay,adi naga cawisay waxa weeyi mashruuc ay dowladu bixinayso , aya uu ydhi  wasirka isaga oo hadalkii sii  wata aya waxa uu yidhi,

“Waxa kale oo jira oo si dhaqso ah uu furidona mashruc kale oo seerayaasha  anu kaga shaqaynayno oo aynu dib ugu habayn ugu sameynayno seerayaasha Somaliland, oo iyaduna qayb teda laxadle kagaysan nayso dowladu oo Iyduna sayasadedanu ku jirtay ,oo ah dib uu qimayn ti sanadkan oo misaniyada lagu daray oo ah xeero guladi arooridi qoolcaday ,Alaybaday,Salaxley taasina si dhakhso ayaan uu bilabaynaa iyo  sido kale waxanu firadono 15gobood oo xanada xoolaha ah oo laga sameyay dagmooyinka dalka ,marka dowladan manta sidi hore ba loo shegay halhayskedu iyo naynays tedu waa  dowlada iyo xukumada horimarka ,barina waxaynu furi doona mashruuc kan la mid ah oo ah 100 dhakhatiir ah oo xukumadu shaqalaysisay oo waa dhakhatiirka soo baxay jamacadaha sheikh,iyo burco iyo waliba sodaan iyo itoobiya barito isha ALLAHU dagmooyinka uu  madaxweyne munasibadan waxanu donayna in ad manta noo dhagax dhigto dhismahan oo oo anu isha alahu mashruucan baladhan ku dhamayn dono sida ay noo shegtay mudo an ka badnayn 5bilood,   ayaa uu hadal kiisi ku soo gabogabeyay Wasiirka Xananada Xoolaha.

Madaxweyne ku xigeen ka Somaliland  Cabdi raxmaan Ismacaal Saylici oo gabogabadi munasibdaa soo xidhay ayaa shegay in mashrucan iyo mashrucyo kaleba ay tahay mid qorshaha ugu jirtay dowlada waxa na uu farta ku fiqay in xukumada uu madaxweyne ku xigeenka ka yahay ay tahay mid mashruucyo badaan oo wax laga qabanayo horimarinta dalka ay wado taaso uu shegay in ay tanina ay kamid tahay waxana uu ku bilabay hadalkiisi,

“Runtii farxad wayn bay noo tahay talabooyinka xukumad ahaan anu ku dhaqaqnay ee ah dib uu dhiska  iyo dib uu habaynta xafiis wasaradaha dalka oo runti an odhon karo waa markii uu horaysay oo misaniyad qaranku leyahay laga dhiso xafiisyo wasaradaha dowladu leyihin oo an naga ahayn faan oo awal wixi lagu fani jiray ay ahayd wax hay,ado noo qabtaan uun ay ahayd ,manta se waxa weeyi sanad walba intii suragal noo ah ama laba Wasaradod ama sadex wasaradod waxanu qorshaynay in lagu daro dhismaysha xafisyo cusub madama xafiisyada anu ku soo jirnay mudad 20ka sano ahi ay  sida ad lawada socotaan ay ahayeen xafiisyo gabobay oo dowladihi hore anu ka dhaxalnay, waxanu go,an sanay in dalka dib uu dhiskisa la xojiyo in wasarad walba xafiiskedi xafiisyo  cusub yeelato ,

ayaa uu uu yadhi maaxweyne ku xigeen ka  Somaliland waxana uu ugu danbayntii dhagax dhigay dhismaha cusub oo ka kobnan dona laba dabaq.

 

 

Somalilandpost

Hargaysa

C/waahab guled

Halyay222@hotmail.com