Maxkamadda Sare ee Somaliland oo soo saartay Qaraar Dhabbada u Xaadhaya Doorashada Golaha Wakiillada

 

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa soo saartay Go’aan Waddada u xaadhaya in doorashada Golaha Wakiillada ee soo socota lagu galo si la mid ah sidii lagu galay sannadkii 2005-tii, taasi ahayd Saamii-qaybsi la’aan ah.

Qaraar ay Khamiista Maanta soo saartay Maxkamadda sare iyadoo ka jawaabaysa codsi uu u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ahaa inay Go’aan ka soo saarto qabsoomidda doorashada Golaha Wakiillada oo uu dabrayey Weedh ku jirta xeerka doorashada oo dhigayey in Saami-qaybsi la’aan doorashada lagu galo oo keliya sannadkii 2005, laakiin xilligan loo baahday in Weedhaa laga saaro Xeerka, si ay sharci ahaan u suurto-gasho in doorashada lagu galo iyadoon la samaynin wax Saami-qaybsi ah, arrintaa Saami-qaybsiga oo uu khilaaf ka taagan yahay xilligan.

Qaraarka oo uu ku saxeexan yahay Guddomiyaha Maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali Axmed oo lagu socodsiiyey Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi oo hore u codsaday ayaa dhabada u xaadhaya doorashada Golaha Wakiilada JSL oo iyada iyo Doorashada Goleyaasha deegaannada oo isku sidkan oo loo muddeeyay inay dalka ka qabsoonto bisha May ee sannadka dambe ee 2021.

Qaraarka Maxkamadda Sare ayaa dhignaa sidan hoos ma muuqata: