Maxkamadda Sare ee Somaliland oo laashay Dacwad ka dhan Golaha Guurtida oo loo Gudbiyey

 

Hargeysa (SLpost)- Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga ayaa sheegay in Maxkamadda Sare ee Somaliland sharci-darro ku tilmaantay Dacwad ay Toddobaadkii hore u gudbiyeen oo ka dhan ahayd  Muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyay Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure Jaamac oo Maanta saxaafadda kula hadlay Afaafka Maxkamadda sare ee Hargeysa, ayaa sheegay in Maxkamaddu ay Dacwaddoodii burisay isla-markaana aanay ka jawaabin nuxurka ay xambaarsanahayd oo ahayd in Go’aanka Golaha Guurtida ee Muddo-kordhinta ah ay maxkamaddu joojiso.

Faahfaahinta Warkan ka daawo Muuqaalka Hoose