Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qaranka oo Go’aan Cusub ka soo saartay Xukun hore loogu fuliyey Koox Weerartay Xero Ciidan

Hargeysa (SLpost)- Maxkamada Sare ee Ciidamada Qaranka ayaa fadhi ay maanta yeelatay  go’aan dib-u-eegis ka soo saartay Xukun maxkamadda derajada koowaad ee ciidanku sannadkii hore ku riday Labaataneeyo Ruux oo weerar u geystay Xerada Milatariga ee Ex-Xerada Soodaanta ee Bariga magaalada Hargeysa.

Xubnahan oo ciidamada Qaranku ku soo qab-qabteen hawl-galka weerarka ee ay Xeradaas ka geysteen, ayaa maxkamada derejada koowaad ee ciidamada Qaranku 17 ka mid ah ku xukuntay Dil, halka ay Shan kalena ku xukuntay Xabsi daa’in.

Go’aanka Maxkamaddu dib eegista ugu samaysay xukunka Xubnahan, ayaa ka dambeeyey ka dib markii Qareennada iyo Ehelladoodu raggani Racfaan ku aaddan dacwaddooda u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo fadhigeeda maanta u go’aamisay wax-ka-beddel ay ku samaysay xukunkoodu kaas oo u dhignaa sidan:

  • 17-ka dilka ku xukunaa waxay xukunkoodii ugu beddeshay midkiiba 20- sanno oo xadhig milateri ah.
  • 5-ta ku xukunaa xabsi daa’inka waxay xukunkoodii ugu bedeshay midkiiba 15-sanno oo xadhig ah .
  • Maxkamada Sare ee Ciidamada Qaranku waxay u cuskatay Xukunkan Qodobada: 109 – 117 xeerka ciqaabta guud iyo Qodobada 120-122-124 ee xeerka Habka Ciqaabta.

Fadhi aan caadi ahayn oo maxkamadda Sare ee ciidamadu dabayaaqada Bishii hore ku yeelatay xarunteeda, ayaa lagu shaaciyey in go’aan kama dambays ah laga soo saari doono xukunka raggan oo badhtamaha sannadkii hore weerar ku qaaday Xero Milatari oo ku taala Bariga Caasimadda Hargeysa, waxaana halkaas ku dhintay saddex ka mid ah Askarta ciidamada Qaranka halka Laba Qof oo ka mid ah Kooxda weerarka ku qaadday ciidanka ay laba qof ka dhinteen.

Dhanka kale, Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray oo ka mid ah madax-dhaqameedka Beesha ay raggani ka soo jeedaan oo goob-joog ka ahaa fadhiga maxkamaddu dabayaaqada bishii hore ku muddaysay go’aan ka gaadhista xukunkooda, ayaa mar uu warbaahinta la hadlay fadhiga maxkamadda ka dib, waxa uu xaqiijiyey inay Beeshiisu heshiis la gaadhay beelaha ay ka soo jeedeen askarta Ciidanka Qaranka ka dhimatay isla markaana ay Dusha u riteen Magta saddexda Askari ee weerarka ku dhintay.

SOMALILANDPOST.NET