Maxkamadda Rafcaanka Gobolka oo dacwad ka soo saartay Kiis u dhexeeyay Wargeyska Saxafi iyo Wasiirka Duulista Hawada

Guddoomiyaha Wargeyska Saxafi
Tifaftiraha Wargeyska Saxafi

Hargeysa(SLpost)­– Maxkamadda Rafcaanka ayaa maanta go’aan ka soo saartay xukun ay hore Maxkamadda gobolka Hargeysa uga soo saartay dacwad u dhaxysay tifaftiraha wargeyska Saxafi iyo Wasiirka Duulista Hawada, taas oo ku saabsanayd war uu wargeyska Saxafi ka qoray heshiis uu wasiirka Duulistu la soo saxeexday dawladda Kuwait oo dib loogu hagaajinayay madaaradda Hargeysa iyo Berbera.

Garsooraha dacwaddan Rafcaanka ah gacanta ku hayey Garsoore Axmed Saalax, ayaa go’aanka xukunkiisan ku sheegay in maxkamaddu markii ay eegtay xukunkii ay Maxkamadda gobolka Hargeysa hore ugu soo ridday Tifaftiraha Saxafi, Cabdifataax Maxamuud Caydiid iyo asbaabihii rafcaanka ee uu Qareenka tifaftiraha Saxafi qoraalka ugu soo gudbiyay Maxkamadda Rafcaanka iyo doodiisii afka ay Maxkamaddu gebi ahaanba diiday asbaabaha rafcaansaha, isla markaana ayiday jawaab-celintii ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha gobolka Hargeysa, Aadan Salaad Seed oo isagu u dacwiyayey wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo aan isagu fadhiga Maxkamadda Rafcaanku go’aankeeda kaga dhawaaqday iyo fadhigii dhegaysigaba aan ka soo xaadirin Maxkamadda.

Garsooraha Maxkamadda Rafcaanku waxa kale oo uu go’aankiisa ku sheegay in markii uu gal-dacwadeedka dib u eegay ay u caddaatay inuu Rafcaansanaha oo ah Tifaftiraha Saxafi uu dambi  galay, isagoo aan cayimin garsooruhu dambiga uu ku helay Rafcaansanaha , balse waxa uu xusay inuu ayiday qodobadii xeerka ciqaabta ee ay Maxkamadda gobolka Hargeysa xukunkeedii hore ku salaysay, kuwaas oo ahaa qodobada iska horimanayey ee uu Qareenka Rafcaansanluhu rafcaanka uga soo qaatay Maxkamadda Rafcaanka.

Garsoore Axmed Saalax waxa uu isagoo hoos ugu sii dhaadhacay go’aankaxukunkiisa sheegay in Maxkamadda Rafcaanku ku xukuntay Tifaftiraha Saxafi ganaax lacageed oo dhan $700, isagoo xusay in ganaaxii xukunkii hore ee Maxkamadda gobolka Hargeysa oo dhammaan $1000 ay Maxkamadda Rafcaanku ka dhintay $300.

Sidoo kale waxa uu Garsooraha Maxkamadda Rafcaanku xukunkiisa ku sheegay inay tirtirtay qodob ku jiray xukunkii Maxkamadda gobolka Hargeysa oo dhigayey in haddii Tifaftiraha Saxafi muddo laba sannadood ah uu galo dambi ka la mid ah kaa lagu xukumay, ruqsadda lagala noqon doono Wargeyska Saxafi.

Garsooraha Maxkamadda Rafcaanku waxa uu xukunkiisa ku soo geba-gabeeyay in lacagtaas ganaaxa ah ee toddobada boqol ee dollar ah uu Rafcaansanuhu ku bixiyo muddo toban cisho gudahood ah oo ka bilaabantay maalintii shalay, haddii uu ku bixin waayana Maxkamaddu xaraashi doonto Hantida Wargeyska Saxafi iyo hantida gaarka ah ee Rafcaansanle Cabdifataaax Maxamuud Caydiid.

Qareenka rafcaansanha ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in xukunkaas ay rafcaan uga qaadanayaan Maxkamadda Sare, hase yeeshee garsooraha Maxkamadda Rafcaanka ayaa si cadho ku jirto ugu jawaabay inaan xukunkiisa wax rafcaan ah laga qaadan karin, waxaanu Qareen mar kale ugu jawaab-celiyay garsooraha in sharcigu siinayo inay rafcaan ka qaadan karaan, kadibna Garsooruhu wuxuu haddana si cadho leh ugaga jawaabay “Adiga (Qareenka) laftaada ayaan ku ganaaxi doonaa”.

Garsooraha Maxkamadda Rafcaanka Axmed Saalax ayaa intaas kadib sheegay inay Maxkamaddu xidhan tahay, isla markaana waxa uu si cad u diiday inuu Qareenka iyo Rafcaansanlaha uu xukunka ku riday siiyo nuqul ka mid ah qoraalka xukunkiisa, isagoo sheegay inaanu nuqulka xukunkiisa

bixin doonin, dibna uu u soo garaacayo, taas oo uu sheegay inay qaadan doonto muddo saddex ilaa afar maalmood ah.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Rafcaansanlaha Cabdifataax Maxamuud Caydiid oo dareenkiisa ku aadan  go’aanka Maxkamadda Rafcaanku ku dhawaaqday wax laga weydiiyay ayaa tilmaamay inaanu ahayn xukun cadaalad ku dhisan isla markaana loo maray sifihii sharci ee ay ahayd in loo maro gefafka lagu galo mihnadda Saxaafadda, iyadoo si indho la’aan ah labadda maxkamadood ee uu maray kiiskani u diideen sharci dhaqan-gal ah oo Saxaafadda Somaliland leedahay, kaas oo ay Maxkamadaha iyo xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland-ba ka door bideen inay Suxufiyiinta u  adeegsadaan xeerka Ciqaabta ee ay samaysatay dawladdii Siyaad Barre ee kali taliska ahayd. “Xukunkani wuxuu ka mid yahay uun cabudhinta iyo xadgudubyada lagu hayo Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Somaliland ee looga dan leeyahay in lagu cabsi geliyo. Mana ahayn xukun si cadaalad ah u dhacay, waayo, haddii cadaalad la doonayo waxaa la raaci lahaa xeerka dhaqanka galka ah ee Saxaafadda Somaliland leedahay, oo ay Maxkamaduhu horeba u diideen, xukuumadda Axmed Siillaanyo ee la filayay inay wax ka bedeshaana markii ay kursiga fuushay ayey indhaha ka qarsatay maadaama ay masuuliyiinta xukuumadda danahooga gaarka ah ugu adeegsanayaan Maxkamadaha, dabbarna uga dhigaan Saxaafadda tooshka ku ifisha dhaliilahooda,” ayuu yidhi Cabdifataax Maxamuud Caydiid,

Isagoo intaas ku daray “Xukunkan Maxkamadda Rafcaankana waxaan odhan karnaa “Sacabka habeenkii maxaa loo tumaa haddaan xeeladi ku jirin”, Maxaa Garsooraha Maxkamadda Rafcaanka, Xeer-ilaaliyaha dacwadda oogaya iyo wasiirka Duuista ee dhibanaha ku jilaya, qoys ka wada dhigay. Waxaan rajaynayaa inay Maxkamadda Sare oo hadda uu haysto nin sharciga aqoon badan u leh, in badana goob-joog ka soo ahaa cadaalad-darrada Maxkamadaha uu hadda wax weyn ka bedeli doono oo uu sharciga. Iyo dimuqraadiyaddaba u hiilin doono.”

Dacwadan u dhaxaysa wargeyska Saxafi iyo wasiirka Duulista oo soo jiitamaysay tan iyo bilowgii sannadkan, ayaa ku saabsan war uu wargeyska Saxafi daba-yaqaaqadii sannadkii hore ka qoray deeq ay dawladda Kuwait ku caawisay dib u dhis iyo hagaajin lagu sameeyo madaarada Hargeysa iyo Berbera, taas oo uu wasiirka Duulistu socdaal uu ku tegay dalka Kuwait dabayaaqadii sannadkii ina dhaafay heshiis kula soo saxeexday dawladda Kuwait deeqdan oo xadigeedu gaadhayo $10 Milyan oo dollar, hase yeeshee warka wargeyska Saxafi ka qoray deeqdan oo aanu wasiirku ka hor markii wargeysku qoray ka hadal, waxa uu qiray inay jirto deeqdaasi, balse waxa uu beeniyay in deeqdaasi qayb ka mid ah uu ka soo qaaday dawladda Kuwait.

Maxkamaddaha dalka ayaa tan sannadkii 2004-kii markii Madaxweynaha Somaliland qalinka ku duugay xeerka Saxaafadda Somaliland iska dhega-tiraya inay ku qaadaan dacwadaha Suxufiyiinta lagu soo oogo,waxaanay xeerka Saaxafadda ee dhaqan-galka ah ka doorbidaan xeerka habka ciqaabta oo ah xeer ay samaysatay dawladdii Milateriga ahayd ee ka talin jirtay dalkii laysku odhan jiray Somalia, iyadoo xukuumadda hadda talada haysa ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo xukuumaddii ka horeysay ee Daahir Riyaale-ba ku guuldaraysteen inay dhaqan-geliyaan xeerka Saxaafadda Somaliland.iyaddoo in badan Xisbiga KULMIYE waqtigii ololaha uu ku jiray uu ku eedayn jiray Maamulkii UDUB arrintaasi.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net