Maxkamadda Racfaanka oo Xukun ku ridday Weriye Cabdimaalik Coldoon

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa Maanta Saddex Sannadood oo xadhig ah ku xukuntay Weriye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon.

Weriye Cabdimaalik ayaa hore Maxkamadda Gobolku ugu xukuntay saddex sanadood oo Xadhig ah, laakiin waxa Rafcaan ka qaatay Qareennadiisa, haseyeeshee, Maxkamadda Rafcaanka ee ay Rafcaanka u qaateen ayaa iyaduna Maanta Maxkamadii hore ku raacday xukunkii ku ay ridday oo ahaa saddex sannadood.

Weriyahan oo muddo dhowr bilood laga joogo laga soo xidhay Magaalada Burco ayaa eedaymaha loo haysto waxa ka mid ah in Qoraallo uu ku faafiyey Facebook uu ku aflagaadeeyay Jaamacadda Abaarso iyo qaar uu ka baahiyey Madaxweynaha.

Qareennadiisa iyo ehelkiisa ayaa sheegay in xukunka dambe uu Weriyaha ku dhacay iyagoon la soo ogaysiin.