Maxkamadda gobolka Maroodijeex oo Xukun DIL ah ku Ridday Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa

MUSTAFE CISMAAN
Mustafe Cismaan

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa Xukun Dil ah ku fulisay Xldhibaan Mustafe Cismaan Daahir oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, kaas oo sannadkan horaantiisa badhtamaha Faras-magaalaha Caasimadda wakhti habeennimo ah ku dilay nin ay saaxiibo ahaayeen.

Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir ayaa Maanta subaxnimadii la hor geeyey Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ka dib markii ay soo gabagabaysay dhegaysiga Dacwadiisa oo in muddo ah socotay, waxaanay maanta ku dhawaaqday xukun Dil ah oo ay u cuskatay Xeerka Ciqaabta Guud iyo shareecadda Islaamka.

Xildhibaankan oo ka mid ahaa murashaxiintii u tartamaya doorashadii Golaha Deegaanka ee dabayaaqadii sannadkii 2012-kii ka dhacday dalka, ayaa ahaa murashaxii ugu codka badnaa degmada Hargeysa Urur-siyaasadeedkii UMADDA ee uu gadh-wadeenka  ahaa Dr Maxamed Cabdi Gabboose.

Mustafe Cismaan Daahir oo ahaa Xildhibaan Golaha Deegaanka ah oo in badan xukunkiisa la sugayey waxa lagu wadaa in uu jagadiisii buuxiyo xildhibaankii ku xigay oo ka dhur sugayey Xukunkan isla markaana dood badan oo dhinaca sharciga ahi ka hor taagnayd in uu kursigiisa buuxiyo.

Xildhibaankan Hore uga tirsanaa Golaha Deegaanka Caasimadda, ayaa bishii Shannaad ee Sannadkan badhtamaha Suuqa Hargeysa, gaar ahaan agagaarka Masjid-Jaamacaga weyn ugu geystay dil toogasho ah Marxuum ay Isku deegaan yihiin oo lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Aadan Warsame (Cabdirashiid Dheere).

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa, Somaliland