Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo Xukunno kala duwan ku ridday Musuuliyiin u xidhnaa Eedo Musuq-maasuq

Hargeysa (SLpost)-Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa saaka fadhi albaabaddu u xidhan yihiin oo ay yeelatay waxay xukun ku ridday saddexdii masuul ee u xidhnaa eedaha musuqa raashinkii Mucaawimadda ahaa kuwaasi oo kala ahaa Badhasaabkii gobolka Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje),  Agaasimihii Guud ee wasaaradda dib u dejinta Axmed Cilmi Barre iyo La Taliyihii Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cismaan Jaamac.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay Badhasaabkii gobolka Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) iyo Agaasimihii Guud ee wasaaradda dib u dejinta Axmed Cilmi Barre ku xukuntay midkiiba sadex sanadood oo xadhig ah ka dib markii lagu helay inay dayacaad shaqadooda iyo dhayalsi ku aaddan raashinkii mucaawimadda ahaa ee la musuqay.

La taliyihii Madaxweyne Ku xigeenka Siciid Cismaan Jaamac lagu xukumay 1 sano iyo sadex milyan oo shilin oo ganaax lacageed ah, waxaana maxkamaddu sheegtay in lagu helay xil-gudasho la’aan.

Sidoo kale, waxa maxkamaddu xadhig dhan 4 illaa todoba sanadood ay ku xukuntay nin Ganacsade ah oo raashinkaasi la musuqay lagu rogay bakhaarkiisa iyo nin kale oo isaguna u xil saarnaa qeybinta raashinkaasi.

Waxay Maxkamaddu ay xoriyadoodii u soo celisay laba nin oo ka mid ahaa eedeysaneyaashii kiiskan, halka shan nin oo kalena maxkamaddu iyagoo maqan ku xukuntay xadhig dhan 4 illaa 8 sanadood.

Qareenka difaacayay sadexdan masuul Xildhibaan Maxamed Saalax oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa ka hadlay xukunka maxkamadda oo uu tilmaamay inaanay ku qanacsanayn oo ay ka qaadan doonaan racfaan.

Waxa la qabtay masuuliyiintan 10-kii bishii March ee sanadkan, waxaana isla maalintii la xidhayba uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka qaaday xilalkii ay hayeen, isagoo ku sababeeyay inay ku lug yeesheen musuq-maasuq.

Maxamed Cabdi Aadan (Indho)

indho145@hotmail.com

SLpost News/Desk

Hargeysa, Somaliland