Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo Xukun Xadhig iyo Ganaax isugu jira ku Ridday Muwaadin Qalinkiisa ku dhaliilay Xukuumadda

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta lix bilood oo xadhig ah iyo Ganaax lacageed ku ridday muwaadin lagu magacaabo Jaamac Cilmi Jiir oo in muddo ah u xidhnaa Maqa uu xukuumadda ku dhaliilay.

Muwaadinkan oo ilaa laba toddobaad ku xidhnaa saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, isla-markaana maanta la horgeeyay Maxkamada gobolka Hargeysa, ayaa lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 600.000 (Lix boqol oo kun oo shilinka Somaliland ah).

JAAMAC JIIRJaamac Cilmi Jiir, oo ah Muwaadin caan ku ah Maqaalo uu xukuumadda Somaliland ku dhaliilo oo uu warbaahinta Maxaliga ah iyo mareegaha Internet-ka ku baahiyo, isla-markaana loo yaqaano Magaca ah AQOONYAHAN JAAMAC JIIR, ayaa maxkamadu xukuntay ka dib markii markhaatiyo xeer ilaalintu Maxkamada keentay ku caddeeyeen in Maqaalkiisii u dambeeyay ee uu baahiyey uu wasiirrada xukuumadda u qaybiyey Wasiirro maafiyo ah, kuwo ka mid ah urur diimeedyada Xagjirka ah iyo kuwo hantida umadda urursanaya.

Markii xukunku ku dhacay aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir, ayaa ciidamo boolis ahi gaadhi ugu qaadeen dhanka xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu ku dhamaysan doono muddo xileedka lagu xukumay.

Hay’addaha Saxaafada Somaliland, ayaa hore xukuumadda uga codsaday in Muwaadinkan xoriyadiisa loo soo celiyo, iyagga oo sheegay in xadhigiisu muujinayo in fikirka xorta ah oo dastuurka Somaliland fasaxayo la cabudhinayo.

SOMALILANDPOST.NET