Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo maanta Bilowday Dhegaysiga Dacwadda Masuuliyiin u xidhan Eedo Musuq-maasuq + SAWIRRO

Hargeysa, 16 April, 2012 (SLpost)- Maxkamada Gobolka Hargeysa (Maroodijeex) ayaa maanta si rasmi ah u gudo-gashay dhegaysiga Kiiska dacwadeed ee loo haysto Shan xubnood oo lagu eedaynayo inay ka danbeeyeen raashinkii Mucaawimada ahaa ee Dawlada Cumaan ugu deeqday dadka danyarta ah ee ku nool Somaliland,kaas oo la musuq maasuqay.

Waxa aad loo adkeeyey Ammaanka maxkamadda iyo hareeraheeda iyadoo saxaafaduna ay banaanka ka joogtay hoolka ay dhagaysiga dacwadu ka socotay.

Shantan Eedaysane ee Maxkamada la horkeenay ayaa kala ah Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji),Agaasimaha Guud ee hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Axmed Cilmi Barre iyo La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Cismaan Siciid Jaamac, waxaa kale oo Maxkamada la horkeenay laba eedaysane oo midkood ahaa Ganacsade iyo Mid ka mid ahaa Mukhalasiinta dekeda berbera.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in jewiga maxkamadu ay ku bilaabantay uu ahaa mid degan isla markaana lagu dhagaystay laba ka mid ah maraga ay Xeer ilaalintu Maxkamada u soo gudbisay.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi jeex Cabdirashiid Maxamed Maxamud (Durraan) ayaa ku dhawaaqay in maxkamadu xidhan tahay isla markaana maalmaha soo socda ay halkaas ka sii ambo qaadi doonaan dhagaysiga dacwadan.

Somalilandpost News

contact@somalilandpost.net