Maxkamadda Derejada Koowaad ee Ciidamada Qaranka oo Xukunno Dil iyo Xabsi ah ku Fulisay Rag loo haystay Dhacadadii Seemaal

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Cidamadda Qaranka Darajada Koowaad ayaa shalay Dil ku xukuntay Cawir Xareed iyo Qarxiye kuwaas oo agu Eedeeyey in ay fuliyeen Dilalkii ka dhacay Seemaal iyo Kalabaydh, sidoo kale waxay min Tobana sano oo xadhig ah ku xukuntay laba ka mid ah kooxdii u xidhnayd Dilalkaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka Qaranka Yuusuf Geerash ayaa guddoominayey Maxkamadda Ciidamadda waxaanu soo saaray manta in uu ku cadaaday Cawar Xareed iyo Qarxiye dadkii lagu laayey jidka kalabaydh iyo Dilla u dhaxeeya.

Maxkamaddu waxay Diiday difaacii kooxda iyadoo muddo soo waday dhagaysiga Dacwadan oo aad xaasaasi u ahayd, iyadoo dhagaysatay Markhaatiyo kala duwan oo lala xidhiidhinayey in ay goob joog ka ahaayeen dhacdooynkaasi.

Ehelada kooxda Xukunka lagu riday ayaa Farriinnews.com u sheegay in Looyarada u doodayey Cawar Xareed, Qarxiye iyo labada nin ee kale ay abiil ka qaateen Xukunka lagu riday kooxda ay difaacayeen, waxaanay ku tilmaameen xukunkaasi in aanau tixgelin difaacoodii, iyagoo ku dooday in maxkamaddu aanay eedaysanayaashii kale ee falalkii ka dhacay Seemaal  ee ka soo jeeday dhinaca kale aanay amrin in la soo qabto.

Kooxda Xukunada kala duwan lagu riday ayay dacwadoodu socotay dhawr sano halka ay qaarkood xidhnaayeen illaa wakhtigii Madaxweyne Rayaale.