Maxkamadda Dambiyada oo Eedayn u jeedisay Dawladda iyo Shacabka waddanka Suudaan

Hague (SLpost)- Maxkamada Dembiyada Dagaalka ayaa walaac ka muujisay taageero la’aanta Qaramada Midoobay ee la xidhiidha sidii cadaalada loo horkeeni lahaa Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo dembiyo la xidhiidha xasuuq lala xidhiidhinayo.

Masuuliyiinta Maxkamada dembiyada ayaa cadeeyey shalay in dalka Sudan ka baaqsaday inuu soo xidho Madaxweynahooda oo dembiyo xasuuq loo haysto, una soo jeediyey Golaha Amaanka inay talaabooyinka ku haboon ka qaataan xalka arrinkan.

hagueMadaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashiir ayaa lala xidhiidhinayaa xasuuq ka dhacay gobolka Darfur, oo dad gaadhaya ilaa saddex boqol oo kun ku dhinteen, sida Qaramadda Midoobay sheegtay.

Maxkamada Dembiyada oo waaran soo qabashada Madaxweyne Cumar soo saartay March 2009, ayaa la sheegay inaanay lahayn ciidan booliis fuliya go’aamadeeda soo qabashada, balse ku tiirsan wadamadda xubnaha ka ah wada shaqeyntooda, inkastoo Madaxweynaha Sudan qaadacay sharcinimada maxkamaddda oo madaxda Afrika aaminsan yihiin in iyaga loo samaystay.

“Sudan way ku guuldaraysatay la shaqeynta maxkamada Dembiyada, marwalbana ishortaagaysay wadaxaajood dhexmara masuuliyiinta maxkamada lixdii sannadood ee u dambeeyey, iyo inay fuliyaan dalabka soo qabashada iyo soo dhiibitaanka Madaxweynahooda Cumar Al-Bashir,” ayaa lagu sheegay qoraal shalay ICC soo saartay.

“hadii laga jawaabi waayo dalabka maxkamada” markaa lama gaadhi doono hadafkii loo aasaasay.

“Waxaan u soo jeedinaynaa Golaha Amaanka inay talaabooyinka ku haboon ka qaadaan xal u helida arrinkan,” ayey garyaqaanada ICC sheegeen.

Golaha Amaanka ayaa la sheegay inay leeyahiin awoodo ay ciqaabo ku soo rogaan, sida cuna-qabatayn ilaa weerar milateri, balse goob-joogayaal ayaa sheegay in la filayo inay dalka Sudan ku soo rogaan cuna-qabatayn adag oo ku cadaadiya inay soo dhiibaan hogaamiyahooda, inkastoo weli golaha amaanku jawaab ka bixin dalabka ICC (International Criminal Court).

SOMALILANDPOST,NET