Maxkamadda Ciidammadda Oo Dil Ku Xukuntay Askar Dilal ka Geysatay Ciidamadda Dhexdooda

Hargeysa(SLP)- Maxkammadda Ciidammadda Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa dil ku xukuntay  gacan ku dhiigleyaal ciidan oo dilal gaystay, ka dib markii ay ku caddaatay in ay si badheedh ah dilal toogasho ah ugu dileen  askar kale.

Halka  ciidanka qaranka ee gobolka Badhan ee fadhigoodu yahay degmada Dhaharna ay gacanta ku dhigeen gacan ku dhiigle dable Ina Siciid  Wasame oo toogasho ku dilay taliyihii guutada 93 aad ee saldhigga sadexaad ee ciidanka Qaranka Laba Xidigle  Baashe Cabdi Cali.

Maxkammadda Ciidammada qalabka sida ayaa dil qisaas ah ku xukuntay  gacan ku dhiigle  Cabdi Cali Cabdilaahi oo toogasho  ku dilay Marxuum  Cabdi Baaruud Xasan  oo ay ka wada tirsnaayeen Guutada 9 aad ee qaybta 12 ee fadhigoodu yahay gobolka Sool,  dilkaasoo dhacay bishii March ee aynu soo dhaafnay.

Waxaa kale oo ay Maxkammadda Ciidammaddu dil  qisaas ah ku xukuntay gacan ku dhiigle  Mustafe Saalax Samatar oo bishan bilawgeedii toogasho ku dilay Marxuum Caydaruus Cawaalle Shaacuur oo ay ka wada tirsnaayeen guutada 8 aad ee qaybta 12 aad ee gobolka Sool. Xukunka Maxmadda Ciidammada qalabka sida ayaa ka dhacay jiidda hore ee ciidanka qaranka ee gobolka Sool oo  maalmihii u dambeeyay Maxkammadda ciidammadu hawl-gal shaqo  ku joogtay.

Xukunka askarta dilalka geysatay  lagu riday iyo qisaastooda oo la  fuliyo ayaa la filayaa in uu soo af-jaro dilalka ciidammadda gudahooda ka dhaca oo muddooyinkii ugu dambeeyay soo noq noqonayay,  iyadoo dilkii ugu dambeeyay   ee ka dhaca ciidanka gudihiisana shalay lagu toogtay taliyihii Guutada 93 aad ee saldhigga sadexaad ee Ciidanka Qaranka laba xidigle Baashe Cabdi Cali oo uu toogtay askari ka tirsan guutada uu xukumayay marxuumku.

Somalilandpost

Hargeisa Office