Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida oo Xukun ku ridday Askari Toogasho ku dilay Alle ha u naxariistee Taliyihii Saldhigga Booliska Arabsiyo

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida ee Somaliland, ayaa maanta gelinkii hore la geeyey Askari shalay toogasho ku dilay Alle ha u naxariistee Taliyihii Saldhigga Booliska magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiley oo maanta Aas Qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa.

Alle ha u naxariistee Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Arabsiyo Cabdi Ismaaciil Cali (Cabdi-Case), ayaa shalay gelinkii dambe cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay Toogasho uu kula kacay mid ka mid ah Askarta Saldhigga ee uu xukumayey iyagoo ku sugnaa gudaha magaalada Gabiley.

taliyahaDhaawaca Marxuumka oo isla shalay la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hareysa, ayaa lagu sameeyey qalliin lagaga badbaadinayey Rasaasta uu Askarigaasi ku riday oo qaarkood fadhiisteen jidhka dhexdiisa, sida ay Dhakhaatiirta hawlgalka Caafimaad ku sameeyey qaarkood Warbaahinta u xaqiijiyeen.

Xukunka Maxkamaddu ku ridday Gacan-ku-dhiiglaha

Maxkamaddeynta Askariga ayaa subaxnimadii maanta ka bilaabantay Saldhiga dhexe ee Caasimadda Hargeysa oo ay ku taallo Maxkamadda Miltarigu, waxaana ka qayb galay garsoorka Maxkamadda iyo saraakiil ciidamada ka tirsan.

Maxkamadda ayaa socotay ilaa wakhti dambe oo Xilli salaaddii Duhur la gaadhay, waxaana sida ay sheegeen wararka aanu ka helnay taliska booliska ay sheegayeen in Askariga gacan ku-dhiiglaha lagu xukumay Dil.

Lama oga goorta la fulin doono dilka, hase ahaatee Madaxweynaha Somaliland oo shalay ka hadlay dilka Sarkaalka, ayaa ku baaqay in si deg-deg ah sharciga loo horgeeyo Askariga dilka geystay, halka Taliyaha booliska oo dhacdada ka dib warbaahinta la hadlay uu wacad ku maray in dhakhso sharciga loo marin doono Askariga Toogashada sameeyay.

“Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Ciidamada qalabka-sidaa ay u taagan yihiin sharafta iyo haybadda Qaranka, cidkasta oo dhaawac ama dil u geysataana ay ku xad-gudbayso sharaftii Qaranka ee uu huwanaa, waxaanu intaasi ku daray in Askariga dilkaasi geystay sharciga deg-deg loogu fuliyo,” sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada oo madaxweynuhu kaga dareen-celiyey dhacdadaas.

Marxuumka oo Maanta la aasay

Waxa Maanta Xabaalaha Naasahablood ee duleedka Woqooyi Bari ee Magaalada Hargeysa si heer qaran ah loogu aasay Alle ha u naxariistee Taliyaha shalay la toogtay Marxuum Cabdi Ismaaciil Xaaji Cali.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno ka tirsan Goleyaasha Dawladda iyo Ciidamada qalabka sida ayaa ka qayb galay Aaska Marxuumka.

SOMALILANDPOST.NET