Maxkamadda Ciidamada ee Maamul-goboleed Puntland oo xukun Dil ah Ku Ridday laba Qof oo ku eedaysnaa inay Al-shabaab ka tirsan yihiin

Garoowe (SLPOST) — Maxkamadda ciidamada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa maanta xukun ku ridday 2 nin oo ku eedeysnaa in ay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab.

Nimankan oo lagu kala magacaabo Cabdirisaaq Xasan Tahliil iyo Maxamuud Nuux Adam ayaa Maxakamadda ciidamada ee gobolka Nugaal ee maamulkaasi ku riddey xukun dil ah.

Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada ee gobolka Nugaal Axmed Cabdi Bootaan oo isagu xukunka ku dhawaaqay, ayaa sheegay in labadan eedeysane ay maxkamaddu ku riddey xukun dil ah, kaddib markii uu ku cadaaday denbiga lagu soo eedeeyey. “Kadib markii ay maxkamaddu dhegeysatey eedeynta xeer ilaalinta iyo qareemada eedeysaneyaasha, waxay Cabdirisaaq Xassan Tahliil iyo Maxamuud Nuux Adam ku xukuntay dil toogasho ah,” ayuu yidhi guddomiyaha Gobolka Nugaal Axmed Cabdi Bootaan.

Dhinaca kale, ragga maanta la xukumay oo iyaguna dhankooda maxkamadda ka hadlay ayaa sheegay in aysan gelin wax denbi ah, islamarkaana aysan ka tirsaneyn Al-shabaab eedeynta loo soo jeediyeyna ay tahay mid lasoo maleegay, waa sida ay hadalka u dhigeene. “Kiiskan laygu soo eedeeyey waxba kama jiraan, aniguna Shabaab kama tirsani qaraxna ma wadin, howsha lagu soo eedeeyeyna waxan u arkaa mid ay arin kale ka danbeyso..” mid kamid ah eedeysaneyaasha ayaa yidhi.

Cabdirisaaq Xasan Tahliil iyo Maxamuud Nuux Adam oo ay ciidamada Puntland ku qabteen magaalada Gaalkacayo bishii November ee sanadkii hore, waxaa sidoo maxkamadda lagu soo bandhigay hub u badan bunbooyin iyo walxaha kale ee qarxa, kuwaas oo la sheegay in wateen xilligii gacanta lagu soo dhigayey.

Xukunkan ayaa ku soo beegmaya dhowr maalmood ka dib markii maxkamaddaas faraceeda gobolka Bari ay xukun kan lamid ah ugu riddey 11 qof oo ku eedeysnaa dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo lagu khaarajiyey badhtamaha magaalada Xarunta u ah maalmulkaas ee Garoowe.

 SOMALILANDPOST