Maxkamada Sare Oo Ku Dhawaaqday Shan Qodob Oo Ay Ku Taageertay Go’aankii Guurtida Kuna Dadafaysay Heshiiskii Xisbiyada

 

Hargeysa(SLpost)-Maxkamada sare ee Somaliland ayaa soo saartay go’aano shan ah oo ay ku fasirtay codsigii madaxweynuu uu ka dalbaday ee la xidhiidhay mudo kordinta ay guurtidu sameeyeen iyo heshiiskii xisbiyada qaranku ay wada qaateen.

maxkmada sare ayaa ayiday go’aankii guurtida doorashadana ku cayintay wakhtigii golaha guurtidu uu u cayimay, halka ay ka laashay hesiiskii xisbiyada qaranku ay wada gaadheen. hadaba go’aankan oo uu ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali Waxa uu u dhignaa sidan “Maxkamadu waxay ku sababaysay aqaraarkeeda asbabahan hoos ku qorayn

In madaxweynuu uu dalbaday kaliyaata in fasiraad lagu sameeyo labada go’aan doorasho ee ay kala tilmaamayaan go’aanka golaha guurtida iyo heshiiska sadexda xisbig qaran.

In aanu madaxweynuu aanu ka dalban maxkmada fasiraad ku saabsan in go’aanka mudo kordhinta madaxweynaha ku xigeenka guurtida iyo golaha wakiiladu uu waafaqsan yahay dastuurka iyo in kale, isla markaasna aana jirin cid durtay.

In aanu jirin heshiis midaysan oo ay guurtida u gudbiyeen intii aanay samayn go’aanka mudo kordhinta, isla markaasna ay xisbiyada qaranku go’aankoodii ku xitiraameen qodobka koowaad go’aankuu kuurtidain ay komishanka doorashooyinku ay cadeeyeen in aanay doorashadu ku qabsoomayn 26-6-20015-ka, mudo xileedka shanta sano ee ay doorashada ku yimaadaan madaxweynaha,madaxweyne ku xigeenka,golaha wakiilada iyo mudada uu kordhiyo golaha guurtidu marka mudadu dhamaato si waafaqsan qodobka 83-aad faqradiisa shanaad iyo qodobaka 42 faqradiisa sadexaad ay leeyihiin ku dhaqan sharci oo isku mid ah. in golayaasha qaranku fulinta iyo xeerdajintu ay isku mid yihiin mudo xileedkooda iyo mudada loo kordhiyo aftidii dastuurka horteed iyo dibadeedba, tusaalena waxa ah in xeer dajintu iyaga oo ku fadhiya mudo kordhin inay abuureen xeerar cusub ay ansixiyeen gudiyo iy masuulyiin qaran,dhinaca kalena aftidii dastuurka ee 2001-dii waxa jiray madaxweynayaal kala duwan oo dalka soo maray saxeexayna xeerar iyo marshuucyo sharci si ay u dhaqan galaan, isla markaasna magacaabay masuuliyiin, waxa kale oo ay qaateen go’aano masiiri ah iyaga oo ku fadhiyay mudo kordhin. in awooda golayaasha kala duwan qaranka marka ay dhamaato mudada ay doorashada ku yimaadeen uu leeyahay golaha guurtidu si waafaqsan qodobka 83-aad faqradiisa shanaad iyo 42 faqrasiida sadexaad dastuurka jamhuuroyada Somaliland, maxkamada dastuuriga ah ee jamhuuriyada Somaliland waxay soo saartay qaraarkan tafsiirda ah

 

1- Waxay go’aamisay maxkamadu ku dhaqanka xiliga qabsoomida doorashada madaxweynaha,kuxigeenka iyo golaha wakiilada inuu noqdo sida ku cad faqrada B qaybta shanaad ee go’aanka guurtida kuna beegan bil ka hor dhamaadka mudada xilka loo kordhiyay madaxweynaha iyo ku xigeenka iyo golaha wakiilada oo ku dhamaanaya 27-4-2017-ka.

2-Waxay maxkamadu laashay heshiiskii sadexda xisbi qaran Kulmiye,Waddani iyo Ucid ee ku taariikhysan 27-5-2015-ka mana laha wax dhaqangal sharci ah maadaama oo golaha guurtidu aanay aqbalin soo jeedintii si waxkabadal iyo kaabid loogu sameeyo go’aanka guurtida ee ku taariikhaysan 11-5-2015-ka.

3-Waxay go’aamisay maxkamadu in maalinta doorashada madaxweynaha,madaxweyne ku xigeenku iyo golaha wakiiladu ay noqoto 28-3-20017-ka kuna beegan bil ka hor dhamaadka mudada xilka loo kodhiyay oo ah 27-42017-ka, waana in ay si rasmi ah u soo cayinto gudida doorashooyinka, isla markaasna waa in madaxweynuu uu ku soo saaro digreeto.

4-waxay go’aamiday maxkamdu in mudo xileedka shanta sano ee ay doorasho ku yimaadaan madaxweynaha,madaxweyne ku xigeenka iyo golaha wakiilada iyo mudada uu kordhiyo golaha guurtidu marka ay dhamaato mudo xileedka shanta sano ah ee doorashada ay ku yimaadaan ay leeyihiin dhaqangal sharci oo isku mid ah.

5-qaraarkan fasiraada ah waxay makamadu soo saartay maanta oo ay taariikhsu tahay 18-8-2015-ka ah.”