Maxkamada Gobolka Hargaysa Oo Xukun Iyo Ganaax Isku Raacisay Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle

Hargaysa (SLpost)-Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa maanta  xukun halsano  iyo ganaax lacageed oo ah halmilyan ku ridday Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle oo dhaliilo usoo jeediyey laba wasiir oo xukuumadda Somaliland ka tirsan.

Gudoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa Garsoore Cismaan Suldaan Ibraahim Daahir ayaa sheegay in wadaadka lagu helay dambigii ay ku soo oogtay xeer ilaalinta,  waxayna ay xukunku uu dhacay oo ay ku tidhi sidan, “Maxkamaddu waxay ku xukuntay danbiilaha hal sano oo xadhig ciqaabeed ah iyo hal milyan oo ganaax ah, kaasoo lagu xukumay qoddobka 287, 215, 231,XAG,”ayuu yidhi Garsooraha maxkamadda gobolka Hargeysa, waxaanu intaas ku daray “Xadhigan waxa looga bilaabayaa maalintii xorriyadda laga qaaday oo ahayd 4/3/2013 xukunkan waxa lagu dhawaaqay maanta oo ay taariikhdu tahay 31/3/2013, sidaa daraadeed taliyaha xabsiga dhexe ee Hargeysa, waxa lagu amrayaa inuu xabsiga ku hayo inta xadhig ciqaabeedkiisu ka dhamaanayo ganaaxana ka bixinayo.”

Sheikh Maxamuud Geelle ayaa bishan horaanteedda dhaliilo usoo jeediyey wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur iyo Wasiirka Maaliyadda Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu ku eedeeyey inay ururo diimeed ku jiraan, isla markaana ay xidhidh cad la leyihin.

Dhanka kale wasirka wasarada maliyada oo hore intii uu xidhnaa lala soo xidhidhiyay in uu isaga uu xidhan yahay shekhu ayaa waxa uu shegay marshalay wax laga weydiyay wasirku in unu isaga uu xidhnayn isaga oo wasir saamale dhaarka maray edayn taasi ay kusoo edeyeen dadka uu dodayay wadadka .

Sheekh Maxamuud Geeddi ayaa waxa lagu yaaqanay hadalo cad-cad oo aan ka gaban inuu dhaliilo xukuumaddihii Somaliland soo maray ugu gaban gedna isla markana uu waxa uu la tahay banaanka soo dhiga ,

Waxana uu inta badan dhalilay wadamada reer galbeedka iyo Itoobiya iyada oo hore loo xidhay taraba dhowr jeer.

Sheekh Maxamuud Geeddi ayaa markasda oo la xidho waa laysiidayn jiray marka uu waxogaa xidhnado.

Sikasda oo ay ahaato shekhan ayaa waxa uu lahaa ururka la odhan jiray XUSBULAAH oo uu ku dhaqay malmihi la furay tartanki ururada,sido kale waxa uu leyahay  madarasad uu dadka uu ku baro barashada diinta islaamka .

Somalilandpost/Hargeysa

Cabdiwahaab Guuleed