Maxkamad La Soo Taagay Wiilkii Soomaaliga Ahaa Ee Dhawaan Swedan Gabadha Ku Dilay

Gothenburg (SLost)-Maxkamad ku taal magalaada Gothernberg ee dalka Sweden ayaa maalintii shalay waxaa lasoo taagay wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu midi ku dilay gabadh ka shaqaynaysay xarun lagu xanaaneeyo caruurta aan waalidkood la socon.

yos_1

Alexandra Mezher, 22, a Swedish social worker who was allegedly stabbed to death by a 15-year-old asylum seeker at a shelter for refugee children. Gothenburg, Sweden. Candles and floral tributes and photo of Alexandra Mezher at a memorial service for the murdered girl in her home town of Boras today.
Alexandra Mezher, 22, a Swedish social worker who was allegedly stabbed to death by a 15-year-old asylum seeker at a shelter for refugee children. Gothenburg, Sweden.
Candles and floral tributes and photo of Alexandra Mezher at a memorial service for the murdered girl in her home town of Boras today.

Wiilkan Soomaaliga ah ayaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf Khaliif Nuur, waxa uuna ku eedeesan yahay in midi uu ku dilay gabadg 22-sano jir ah aslakeeduna uu kasoo jeedo dalka Lubnaan oo lagu magacaabo Alexandra Mezher.

Maxkmada ayaa su’aalo waxa ay ka waydiiiisay dilka uu ku eedeesan yahay Yuusuf Khaliif Nuur, hasa ahaatee wiilkan ayaa diiday in uu jawaabo waafi ah ka bixiyo dambiga loo haysto, waxaana maxkamadu markii dambe amartay in qol xidhan dacwadiisa lagu dhagaysto.

Qaadiga qaadayay dacwada Wiilkan Soomaaliga ah ayaa amray in xabsiga dib loogu celiyo wiilkan ilaa 11-Febraayo inta laga soo dhamaystiraayo baadhitaanada ay ciidanka booliiska ku samaynayaan kiiskan dilka ah.

Waxaa jira shaki laga qabo da’da uu wiilkan sheegtay oo 15-sano jir, waxaana wiilkan la sheegay inuu leeyahay gar iyo shaarbo,waxa ayna ciidanka baadhayaan taariikhdii hore wiilka Soomaaliga ah ee dilka ku eedaysan.