Maxaynu Askar U Noqon Weynay?! – W/Q: Khadar Gureyte

hada khadarWaa Mawduuc Tusaalooyinka iyo tilaamaha tolmoon ee ay walaalahayga iiga horeeyey mawduucan Maxaynu Askar U Noqonweynay ay ka bixiyeen ay ahaayeen kuwo ku salaysnaa amaba ku soo biyo shubanayay qaabka waayadan danbe ay u dhaqmaan saxafiyiinta aadka u tirada badan leh ee lagu arko goobaha Warbaahinta iyo meelo kaleba.

Mawduucan Maxaynu Askar U Noqon Weynay! Oo ah runtii mawduuc ku salaysan fikir tolmoon oo wax toosin ah sida aan u fahmayna ka hadlaaya dhalinta baryahan danbe sida aadka ah ugu soo badanaysa ka hawl galida goobaha warbaahinta ama sheegashada magaca mihnada saxaafada ee Suxufinimo iyaga oo aan u lahayn Aqoon,Waayo Aragnimo iyo waliba sida oo kale haybad marka aynu eegayno dhaqankeena.

Intaa ka dib hadaan isku dayo in qayb qoraal aan ku daba darsado ama aan kaga qayb galo fikirkaas tolmoon,Mihnada Saxaafadu maaha wax sahlan oo muddo kooban lagu noqon karo ama aad ku hanan karto magaca Saxafinimo balse sida aynu ka wada warqabno nasiib wanaag dalkeena waxaa si fudud u suurta gal ah in aad markiiba aad maqasho adiga oo lagugu magac dhabaayo “Waa Saxafigii Waynaa”,hada u fiirso xataa hadii u nasiibku kuu siiyey in aad muddo yar oo kooban lagugu arko goobaha wax laga tabinaayo ama aad wado barashada Saxaafada waxaad nasiib u helaysaa in aad magacan aad si fudud aad u qaadatid.

Marka aan leeyahay waxaad Nasiib u heshay in dalkeena dhexdiisa aad hesho in laguugu yeedho kalamada Saxafi ,waxaan ula jeeda Wadankeena oo ah owgii dal kamida dunida Sadexaad ee Soo koraysa inta badana caado iyo ehel u ah is muujinta iyo is magac dhabida hadba sida loogu kala dheereeyo wallow ay dunida kalena tani jirto laakiin ay tahay mid dadaal iyo aqoon ku timaada.

Mery Haber waa suxufiyad caan ah oo ka hawl gasha haayada Warbaahineed BBC-da ee laga leeyahay dalka guunka ah ee ingiriiska,dhalashadeeduna ay tahay gabadh  Ingiriis ah.Safar shaqo oo ay dalka ku timi ayaa kulan na dhex maray aniga iyo iyada waxaa ay si furfurnaan ah ay iiga sheekaysay heerka ay saxafinimadu ay ka taagan tahay dalka Ingiriiska iyo waliba sidii ay wax ku soo baratay.

Merry Harber waxaa ay  ii sheegtay in mihnada saxaafadu ay tahay mid aad  u qaali ah marka la eego dalka ay ka timi,waxaa ay ii sheegtay in aan si sahlan lagu noqon Karin saxafinimo,dhib badan iyo imtixaano badan oo si isdaba jooga ah marka aad u marto ayuunbaad ka gudbi kartaa talaabada ugu horaysa ee ah in aad waliba si ku meel gaadha aad ula shaqaynaysid haayada warbaahineed ee aad ka hawl galayso,Muddo kadibna waxaad dib ugu sii jiraysaa qaadashada tobabarada kala duwan iyo waxii aqoon koradhsi ah ee aad ka faa’idaysanaysid dadka aad shaqo wadaagta tihiin ee kaaga soo horeeyey mihnada amaba waayo aragtimo badan u leh diyaarinta,tabinta,gudbinta Wararka amaba Barnaamijyada ka baxa haayadasi warbaahineed.

Waxaa ay sida oo kale wax iiga sheegtay in marka aad ku jirto barashada Saxafada iyadana sida oo kale aanad qalin jabinayn ilaa aad noqoto qof tayeysan oo dhisan,sida ay carabka ku dhufatay erayada aan ka xasuusto hadalkeedii waxaa ka mid ahaa in markii ay ku jirtay barashada qorista qoraalada tabinta wararka ay ku qaadatay muddo sanad iyo badha,waxaa ay xustay in Proffesorkii markaa wax u dhigaayey uu maalin kasta iyada iyo ardayda kaleba ku celin jiray in ay dib u soo saxaan qaladaadka ay galeen,maal maha qaarna waxaa uu Proffesorku uu uu balan qaadi jiray in aan qofka maanta wax khalda aanu  Jaamacada ka qalin jabinayn,qoraalkiisa uu warqada ku soo qorayna xaga hoose la dhigaayo,waxaana ay xustay in iyada laf ahaan teeda dhawr jeer uu macalinku xaga hoose uu ka dhigay qoraalkii ay soo qortay,war war badana ay ka qabi jirtay Barri macalinku in uu ku soo celin iyo inkale.

Waxba hadalku yaanu  ila fogaanin oo  waxa uu iila durkay uun waa tilmaamida qaabka aduunyada aynu ukala duwanahay gaar ahaan dhinaca barashada Saxaafada iyo waliba kahawl galida haayadaha warbaahineed oo marka aad u eegto odhaahdyada Merry Harber ay si aada uga duwan yihiin qaabka aynu markiiba Saxafi ku noqono,waliba marka aynu muddo ku jirnana aynu sheegano in aynu nahay Saxafi Ruug Cadaa ah.

Hadaan dulucda hadalkayga aan u soo dhaadhaco Saxaafada in aad ka mid noqotaa waxaa ay kaaga baahan tahay Barshada aqoonteeda,suxufina waxaa noqon kara waa qofka ama suxufiga Ixtiraama habdhaqanka ay leedahay saxaafadu(ethics of Journalism),muddo yar oo kooban kuma noqon kartid in aad sheegato magaca saxafi waan ogahay oo in badan oo ka mida Saxafiyiinta dalku, waxaa ay noqdeen kuwo ay bii’ada ay la nool yihiin ay ka tan badatay oo magacna si fudud ku helay iyaga ka danaysanaya cida ama bulshada ay u adeegayaan oo aan ahayn sidii loo baahnaa.

Inbadan oo suxufiyiinta ka mid ahi waxaa ay iyaga oo aan aqoon ulahayn ay ku soo biireen haayadaha warbaahinta,sida sharciga dalkeenuna u ugol yahay waxa weeyee in Qofka suxufi loo aqoon san kara uun marka uu ka hawl galo haayad warbaahineed,kadibna uu isu arko isaga oo aan awood badan oo uu wax ku tabin karo lahayn in uu yahay qof heer sare gaadhay,sida oo kalena inta ay isku jiilka yihiin ugu faana maanta warkaas ayaan akhriyey,Shaadhkana waxaan ka iibsaday xoogagii maanta Wasiir hebel iskaga kay muslaxay,barina Wasiir hebel ayaan la balan sanahay,maalinta ka danbaysana Wasiir hebel ayaanu wada qayilaynaa.Wasiirka maaliyaduna gaadhi ayaa uu iigu balan qaaday.

Bal amuurtan eega goorma ayaa suxufiga iyo ninka siyaasiga ahi ay heshiis noqdeen,ninka suxufiga ah waxaa ay ahayd in uu mar walba noqdo midka ehelka la ah dadka ama shicibka gaar ahaan dadka masaakiinta ah oo uu xaqooda u soo dhiciyo,meel walbana uu ka sheego baahida ay qabaan,iyo sida oo kale dhex u noqoshada gabi ahaaba afkaaraha kala duwan ee la aamin san yahay,tusaale ahaan Mucaarad iyo Muxaafad.

Qofka sidan oo kale ah marka aynu ku eegno anshaxa saxaafad iyo habdhaqanka iyo milgaha ay leedahay saxaafudu maaha qof suxufi dhab ah balse waa qof saxaafada dan gaara u soo galay iyo sidii uu maalin walba uu naas nuugi lahaa dadka uu hadba ku tuhmaayo in ay jeebka gacanta u galin karaan.

Hadal qoraalkaygan waxaan ku soo afmeerayaa in dhalinta ku dhaqan Somaliland waxaa ay baahi xooga u qabaan meel ay ka shaqa galaan,Xirfadanina waxaa ay noqotay mida ugu sahlan ee ay ka hawl gali karaan gaar ahaan badiba inta aan aqoon dheeraada aan lahay amaba meelo kale wax ka barata,waxaana ay dan moodeen in ay kaliya anfacayso in ay Lixda Bilood ee ay soo barteen ka turjumi karto in lagu aamino badbaadinta qaran dhan oo hadalkiisa ama eray uu yidhaahdo ku baabi’I kara.

 

Khadar Cabdi Xasan(Gureyte)

khadargurayte@gmail.com

Dhaqaale yahan,Suxufi, ahna Qoraa

Hargeysa,Somaliland