Maxay Xukuumadda Somaliland ka tidhi go’aamada Ka soo Baxay Shirka Beelaha Samaroon?

Maxay Xukuumadda Somaliland ka tidhi go’aamada Ka soo Baxay Shirka Beelaha Samaroon?Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay soo-dhawaynayso isla markaana ay ku hambalyeynayso go’aamada ka soo baxay shir beelaha Samaroon todobaadkii u dambaysay uga socday deegaanka ka tirsan gobolka Awdal, kaas oo ay ku tilmaantay mid natiijadiisu muujisay sida ay beelaha Samaroon ugu midaysan yihiin taageeridda, midnimada iyo wax-wada qabsiga shacabka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa madax-dhaqameedka iyo wax-garadka gobolka awdal ku hambaleeyey go’aamada ay u midaysan yihiin ee ka soo baxay shirkaas oo muddo shan maalmood ah socday, isla markaana shalay la soo gebo-gabeeyey.

HALKAN KA DAAWO WARKAN OO DHAMMAYSTIRAN