Maxay ku qotantaa Dhex-dhexaadinta Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya – W/Q: Xuseen Xasan Badmaax – Q.2aad

Qaybtii hore waxaynu dul marnay soo yaalkii siyaasadeed ee Turkiga qarniyadii hore oo ay noqotay xoogga ugu adag aduunka,fidiyay-na xukunka islaamka.Laguna jebiyay dagaalkii aduunka ee 1aad.

Maantana waxaynu qormadan 2aad ku dul mari doonaa markii Turkiga laga guulaystay waxii ka dambeeyay ilaa maanta sida ay isu gediday xukunkii islaamiga ahaa iyo siyaasada guud ee Turkiga.Markaa waxa ka dhalatay Turkiga dawladii ugu horaysay ee jamhuuri ah(Republic of Turkey),waxa laga asaasay habka xisbiyada badan sannadkii 1923kii,waxaana madaxweyne ka noqday Mustafa Kemaal Ataatuurk asagoo ka soo baxay xisbigii tartankii ku guulaysatay oo ahaa Jamhuuriga(Republic Party).Laga bilaabo waqtiyadaa Turkigu waxa uu ku sii siqaayay qaab nololeedka guud iyo dhaqamada Yurub.Reer galbeedkuna waxay xoog saareen inay shacab cusub(Modern Community) oo siyaasadahooda iyo danahooda la jaan qaada ka sameeyaan Turkiga.Waxa suurta gashay in xisbiyo la sameeyo,dumarka laga qayb geliyo baarlamanka iyo xukuumadaba.Dhaqaalaha dalka kor loo qaado,xidhiidhka Yurub la kordhiyo.Arrimahan ayaa suurta geliyay inay ku milanto dabeecadaha,dhaqanka iyo siyaasada Yurub.Kadib-na Turkiga ayaaba isu qaatay inuu ka mid yahay qaarada Yurub,waxaan dalbaday inuu ka mid noqdo dalalkii laysku odhan  jiray isu tagga dhaqaalaha Yurub(Eurpean Economic Community-EEC).Arrinkaasi reer Yurub waxa uu ku noqday laf dhuun mari wayday.Waxaanay Turkiga ku qaadatay inay soo jiitanto codsigoodu oo ay hadana mar labaad dalbadaan ka mid noqoshada EEC-da sannadkii 1963.Waxa loo ogolaaday waxyaabahii lagu xidhay 2ba qodob oo ka mid ah ayadoon loo cadayn waxa ooda looga rogi waayay.Ugu danbayntii Turkigu waxay hadana codsadeen inay ku biiraan midnimada Yurub(European Union) sannadkii 1999 shirkii caasimada Finland(Helsinki). Waa halka markii ugu ay EU-du ku qirtay inuu Turkigu xaq u leeyahay  ku biirida EU-da,balse ilaa maanta waxba kama suurta gelin,waxa qudha ee lagu diidan-yahayna maaha wax kale ee waa dawlada islaamka ah ee hogaamisa Turkiga.Markaa Turkigu-na waxa rumaystay inuu ka mid yahay qaarada Yurub,waxna kaga duwanayn oo uu ku milmay siyaasad ahaan.

Bal hadaba dhex-dhexaadinta Turkigu uu ku hogaaminaayo wada hadalada Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliy waa maxay danaha siyaasadeed ee ku gadaamani.Sidaynu la wada socono wada hadalada waxa bilaabay Ingriiska oo ah qab-qab layaasha ugu way nee EU-da,waana arrin ay isla wada qaateen in laga shaqeeyo midnimada Soomaaliya.Taa darteed ayaa loo adeegsaday Turkiga oo ah dawlad Muslim ah,una taagan inay ka mid noqoto EU-da.

La Soco…..

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL