Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibeda ee Masar oo maanta kulmay?

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda dalka Masar, Mr. Xamdi Sanad Luza oo booqasho ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Masar, taariikhda faca-weyn ee ay wadaagaan labada dal, arrimaha ganacsiga, xoolaha iyo kalluunka, waxbarashada iyo isdhex-galka xidhiidhka labada shacbi.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Masar taageerada ay Jamhuuriyadda Somaliland ka siiso waxbarashada gaar ahaan dhinaca macalimiinta u hagarbaxday sidii ay ardayda Somaliland wax u bari lahaayeen.

Waxaana Kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada horumarinta caafimaadka, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhinaca weftigana waxa wasiir ku xigeenka ku wehelinaayey, safiirka dalka aynu jaarka nahay u fadhiya Masar, Amb. Maxamed Nasr iyo kaaliyaha wasiirka arrimaha geeska ee dalkaasi Masar, Amb. Mohamed Karim Sharif. Waxaanay weftigu dalka ku sugnaan doonaan maalmo kooban iyagoo booqan doona goobo kala duwan oo muhiima.