Maxay Daaran Tahay Ujeedada Madaxweyne Siilaanyo Uga Baaqaday Safar Uu Ku Tagi Lahaa Ingiriiska

Hargeysa  (SL.Post) Qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka taageera hanaanka kobcinta dimoqraadiyada iyo dhaqaalaha doorashooyinka ayaa war murtiyeed ay soo saareen walaac wayn kaga muujiyay go’aanka Madaxweyne Siilaanyo ee kala qaadista doorashooyinka, kaasoo ay ku tilmaameen mid aan cuskasho lahayn oo dhaawacaya axdiyaddii beesha caalamka iyo Somaliland wada galeen, isla markaana waxay ugu baaqeen Madaxweyne Siilaanyo inuu dib uga fekero go’aankaa, sidii balantu ahaydna uu mar wada qabto dooarshooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda.

13814052_1029163627197490_3080783190251416927_n

 

 

Bayaankaa waxay beesha caalamku ku tidhi; “Beesha caalamku waxay aad uga walaacsan tahay go’aanka uu Madaxweynaha Somaliland dib ugu dhigay doorashada Baarlamaanka ee muddaysnayd in ay qabsoonto March 2017. Dib u dhacan  aan loo baahnayni wuxuu dhaawacayaa kalsoonidii dadweynaha iyo beesha caalamka ee geedi socodka hanaanka dimuqraadiyadda somaliland iyo axdiyadii caalamku la galay . Go’aankan  lagu dhawaaqay kuma salaysna sharciga iyo Dastuurka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somalilandna wuxuu hore u go’aamiyay in doorashada madaxtooyadda iyo Baarlamaanku ay mar wada dhacaan bisha March.2017, isla markaana  dadweynaha Somaliland ee cod bixiyayayaasha ahi waxay isu diiwaangeliyeen doorashooyinkaa, iyagoo niyadda ku haya in ay labada doorasho mar wada dhacayaan, sidaa aawadeed,  waxay xaq u leeyihiin in loo tixgeliyo in ay codkooda u dhiibtaan sidii ay filayeen.”

 

Bayaankan qaadhaan bixiyayaasha Somaliland taageeraa wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi; “Beesha Caalamku waxay si wayn gacantii loo baahnaa uga gaysteen gaysatay gacantii loo baahnaa si hanaanka geeddi-socodka doorashadu waqtigiisa ugu dhaco, taas oo qorshaheeda sal looga dhigay go’aan adag oo ahaa in ay Somaliland  ka go’an tahay in ay labada doorasho ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada wakhtigii loo cayimay ay ku wada qabsoomaan. Sida wanaagsan ee degdegga ah ee loogu guulaystay diiwaangelinta codbixiyuhuna waxay  muujinaysaa in doorashooyinku ku dhici karaan wakhtigii loogu talo galay ee ahaa March 2017, taas oo ay tahay in aan la beddelin. Qaadhaan bixiyayaashu waxay si wayn u maalgeliyeen diyaar garowga doorashada, mana doonayaan in ay arkaan wax u dhimaya axdigii iyo balantii hore iyo dibu dhacyo joogto ah oo niyad jab keenaya.”

 

Qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka taageera hanaanka dimoqraadiyada iyo doorashooyinku waxay intaa ku dareen, in aanay bixin doonin kharashka dheeraadka ah ee kala qaadista doorashooyinku keenayso, isla markaana waxay warkooda ku sheegeen in kharashkaa dheeriga ahu uu fuuli doono Somaliland. Warkaasi wuxuu intaa ku daray, in beesha caalamka ee Somaliland taageertaa ay isku raacsan tahay aragti ahaan,  isturxaan bixinta iyo dib u heshiisiinta daakhiliga ah ee somaliland gudaheedu inuu yahay mid muhiim ah, isla markaana  waxay ugu baaqeen  Madaxweynaha  in uu dhakhso u meelmariyo qorshe cad oo dhamays ah oo saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka si caddaalad ah loogu qaybsado, loona maro  hanaan  ay dadka Somaliland siyaasad ahaan kaga wada qayb-galaan doorashada baarlamaankooda. “Waxaanu mar kale leenahay  saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka iyo dib u heshiisiintaba waa la suuragelin karaa isla mudo  xilleedkan Baarlamaanka gudihiisa, sidaas daraadeed, waxaanu Madaxweynaha Somaliland u soo jeedinaynaa in uu dib uga fekero go’aanka kala qaadista isla markaana uu doorashada Madaxweynaha iyo ta Baarlamaanka mar keliya wada qabto bisha March 2017″ ayaa yidhi Bayaankaasi. War murtiyeedkan waxa soo saaray US, UK, EU, UN, Sweden, Denmark iyo koox hawleedka qaadhaan bixiyayaasha ee Somaliland kala shaqeeya doorashooyinka.

 

Bayaankan qaadhaan bixiyayaasha Somaliland taageeraa soo saareen wuxuu soo baxay maalin kadib wadahadal dhex maray  Khamiistii tagtay Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK, kaasoo isagoo wakiil ka ah qaadhaan bixiyayaasha kale u yimi dalka si ay ugu qaadimaan xukuumadda aragtidooda la xidhiidha go’aanka kala qaadista doorashooyinka ee Madaxweynaha.  Afhayeenka Madaxtooyada xuseen Dayr oo dhamaadkii kulankaa warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay, in weftiga UK markay la kulmeen Madaxweynaha ay u sheegeen inay jeclaan lahaayeen in aan la kala qaadin labada doorasho ee hal mar la wada qabto, hase ahaatee uu Madaxweynuhu u sheegay in haddii uu kursi jacayl hayo uu dib u dhigi lahaa tiisa, balse ay ta madaxtooyadu waqtigeedii dhacayso, isla markaana ay duruufo kelifeen kala qaadista. Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in sidoo kale  Madaxweynuhu u sheegay weftigaa, qaabka haatan loogu fadhiyo kuraasta Baarlamaanku in aanay ahayn mid lagu wada qanacsan yahay, sidaa daraadeedna ay maslaxada umadda somaliland ku jirto in cid waliba hesho ciddii meteli lahayd. Afhayeenku wuxuu intaa raaciyay in markii dambe ay weftigu ku hambalyeeyeen Madaxweyne Siilaanyo go’aankaa uu qaatay ee kala qaadista doorashooyinka.

 

Hadalkaa Afhayeenka Madaxtooyada ee tusmaynaya in khaatumo iyo farxad lagu kala tegay waxa jiritaankiisa ka daba yimi bayaankan xambaarsan mawqifka adag ee Qaadhaan bixiyayaashu iska taageen go’aanka kala qaadista doorashooyinka ee Madaxweyne Siilaanyo, kaasoo sawir buuxa ka bixinaya natiijadda wadahadalkii labada dhinac yeesheen, tilmaamayana in isfaham waa lagu kala tegay. Geesta kalena warar aan la xaqiijin balse uu Ogaal ka helay illo muhiim ah ayaa tibaaxay in cadhada beesha caalamku ka qaaday go’aankaasi ay saamaysay safar Madaxweyne Siilaanyo u qorshaysnaa oo uu ku tegi lahaa  dalka UK todobaadkan, isla markaana waxay xogahaasi  tibaaxeen inuu haatan safarkaasi hakaday sababo la xidhiidha cadaadis dhanka beesha caalamka kaga yimi. Hase ahaatee ma jiraan warar ka madax banaan illahaasi oo xaqiijiyay in UK ka baajisay Madaxweyne Siilaanyo safarkii uu ku tegi lahaa dalkooda. Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino arrintaasna noomay suuragelin in aanu helo telefoonkiisa oo dansanaa darteed.

 

Dhanka kale waxa la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo beri booqasho ku tago Dararawayne iyo deegaano la xidhiidha, halkaasoo qorshuhu yahay inuu xadhiga ka jaro mashaariic dawladu ka hirgelisay, isla markaana xogaha safarkaa la xidhiidha ee soo gaadhay Ogaal ayaa malaynaya in arrintaa darteed dib loogu dhigay safarka madaxweynaha ee Ingiriiska ilaa salaasada soo socota.  Hase yeeshee jiritaanka tibaaxda xogahaasi ma weli ma kala cadda.

 

Somalilandpost.net

Source Wargeyska Ogaal