Maxamuud Xaashi oo Shirka Kulmiye kaga hadlay Sababihii Guusha Kursiga u horseeday Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ku-xigeenkiisa

Hargeysa (SLpost)- Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa Wasiirkii Madaxtooyada xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo oo maanta hadal ka jeediyey Madashii shirweynaha Xisbiga Kulmiye, ayaa si qoto-dheer uga hadlay sababihii hor-seeday Guushii uu xisbigu ka soo hooyay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay bishii November 2017-kii.

Wasiir Xaashi

Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sheegay in wax-qabadkii ay samaysay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo iyo Miisaanka ay lahaayeen Murashaxiintii u tartamay Xisbiga Kulmiye ay horseed u ahaayeen in Xisbigu mar kale ku guulaysto doorashada Madaxtooyada.

 

HADDABA MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO NUXURKA KHUDBAD DHINACYO BADAN TAABANAYSA OO MAXAMUUD XAASHI KA JEEDIYEY SHIRKA GOLAHA DHEXE EE KULMIYE OO MAANTA LAGU SOO GUNAANADAY MAGAALADA BOORAMA.