Maxamed Suldaan Barre Warsame Shire oo si Meeqaam Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Madaarka Hargeysa Iyo Weedhihii Uu Jeediyey

Hargeysa (SLpost)- Maxamed Suldaan Barre Warsame Shirre ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Madaarka Magaalada Hargeysa,kadib markii uu ka soo kicitimay dalka Canada gobolka Alberta magaalada Calgary  oo uu degena.

Maxamed Suldaan Barre Warsame shirre oo dhawaan loo caleemo saari doono xilkii Suldaanimo ee uu aabihii marxuum Suldaan Barre Warsame Shirre ka geeriyooday dhawaan,oo ahaa suldaanka Beesha ISAXAAQ,kadib markii uu daad ku qaaday dooxa dacar-budhuq ee u dhaxeeya Magaalada Hargeysa iyo Berbera.

Dhamme Garaad Cali Yuusuf ayaa waxa uu sheegay inuu Maxamed Suldaan Barre Warsame Shire inuu yahayinanka leh dhaxalka Suldaanimo ee uu aabihii ka geeriyooday,waxaanu yidhi“Waxaanu ku soo dhaweynaynaa Madaarka Magaalada Hargeysa oo aanu ku qaabilnay Inankii Curad ee uu dhalay Alle ha u naxariistii Suldaan Barre Warsame Shirre oo la yidhaahdo Maxamed Suldaan Barre Warsame Shirre,waxaan ka tacsiyadeynaynaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Aabihii Marxuum Suldaan Barre Warsame Shirre,waana inanka leh dhaxalkii Saldanadnimo”.Ayuu yidhi Dhamee Garaad Cali Yuusuf.

Maxamed Suldaan Barre Warsame Shirre oo ah inanka curad ee leh dhaxalka Suldaanimo ee uu aabihii ka geeriyooday oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Waxaan u duceynayaa inuu Aabahay ILAAHAY naxariistii janno ka waraabiyo, jannadiina ILAAHAY ugu nuuro, waddadii wanaagsanayd ee uu ka tagayna kuwii wax ku qaata ee raacana ILAAHAY inaga yeelo ka dhigo”.

Inanka leh dhaxaltooyada Saldanada reer Barre Warsame Shire oo la yidhaahdo Maxamed Suldaan Barre Warsame Shirre oo wakhtigan ku noola dalka Canada, ayaa waxa uu sheegay inuu safarkiisan ka yimid dalka Canada.

Mar la weydiiyey Maxamed Suldaan Barre Warsame Shirre cidda uu tacsiyadeynayo waxa uu yidhi“Umadda reer Somaliland waxaan u soo jeedinayaa qofka wanaagsan ee jecel umadda,waxqabadka iyo in horumar la sameeyo waa in  lagu daydaa talaabooyinkiisi uu sameyn jirey”.

Mxamed Suldaan Barre waxa uu uga mahad-celiyey shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan sidii wanaagsanayd ee ay Aabihii Marxuum Suldaan Barre Warsame Shire u tacsiyadeen,ugana sheekeeyeen taariikhdiisi shakhsiyadeed,waxaanu yidhi“Aad ayaan ugu mahad-celinayaa shacab-weynaha reer Somaliland meelkasta oo ay dunidda ka joogaan, sidii fiicnayd ee ay aabahay u aaseen,sidii fiicnayd ee ay taariikhdiisa uga sheekeeyeen iyo waxqabadkiisi Somaliland iyo waxyaalihii uu soo qabtey,ayaad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa shacabka weynaha Somaliland”.

Cali Warsame Shire oo ay walaalo ahaayeen Marxuumkii geeriyooday ee Suldaan Barre Warsame Shire oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Dhaxalka Suldaanimo waxa iska leh Maxamed Suldaan Barre Warsame Shirre,waxaanan u mahad-celinayaa sida wanaagsan ee aad Madaarka Hargeysa noogu soo dhaweyseen iyo weliba sidaa loo tacsiyadeeyey Marxuumkii  Suldaan Barre Warsame Shirre.Alle ha u naxariiste Marxuumku waxa uu ahaa nin ehlu janno ah, waxa uu ahaa nin samofalka ka shaqeeya, waxa uu ahaa nin aanay weligii salaadii ka tagin, nin u gargaara dadka jilicdasan ayuu ahaa, aqalkiisu waxa uu ahaa waadh”.

Gaashaanle Maxamed Iimaan Geelle ayaa waxa uu uga mahad-celiyey saxaafada Somaliland sidii wanaagsanayd ee ay u soo dhaweeyeen Maxamed Suldaan Barre oo isaga loo caleemo saari-doono xilkii suldaanimo ee  uu aabihii ka dhaxlay dhawaan,isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi“Adeerkay ayuu ahaa Suldaankan baxay Suldaan Barrre Warsame Shirre,ILAAHAY naxariistii janno ha ka waraabiyo,Waxaan u mahad-celinayaa shacab-weynaha reer Somaliland sidii wanaagsanayd ee ay u tacsiyadeen”

Waxaana madaarka ku soo dhaweeyey qaar ka mida Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somnaliland, qaar ka mida eheladiisi iyo masuuliyiin kale oo tiro baddan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxda Xisbiyada Qaranka Somaliland,Salaadiinta,Cuqaasha,Boqorada,Golayaasha Qaranka iyo cidkasta oo reer Somaliland ah ayaa si weyn uga tacsiyadeysay Ehelkii, Qoyskii,Qaraabadii,Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland, ee uu ka geeriyooday SULDAAN BARRE WARSAME SHIRE oo taariikhdu markay ahayd 21/08/2013 ku geeriyooday Shil-baabuur,kadib markii uu daad ku qaaday Dooxa Dacar-budhuq isagoo Marxuumku ka mid ahaa Wefti balaadhan oo u kicitimay xalinta shaqaaqo Ceel-afweyn ku dhexmartay laba beelood oo walaalo ah.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa