Maxamed Saleebaan Tubeec oo ku geeriyoodey dalka Jarmalka

Garman (SLPOST) Maxamed Saleebaan Tubeec oo loo yaqaaney Boqorkii Codka ayaa maanta (salaasa) ku geeriyoodey dalka Jarmalka, halkaas oo uu ku xanuunsanaa muddooyinkii danbe.

max,ed saleebaan

Tubeec ayaa la-ildarnaa xanun dhanka sambabada ah waxaana lagu sameeyey qalniin labna jeer ah oo aan lagu guuleysan. Geerida Tubeec, waxaa saxaafadda u xaqiijiyey wiil uu dhalay oo la yidhaahdo Mustafe.

Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa ku dhex lahaa taariikh dheer oo dhanka fanka ah, waxaana fanka Soomaaliya ku biirey dhamaadkii Kontomaadkii, isaga oo loo aqoonsadey in u ahaa kan ugu codka toolmoon fanaantiina Soomaaliya.

Rabbi ha u denbi dhaafo, naxariistiisana haku manaysto Maxamed Saleebaan Tubeec.waxa uu ifka kaga tagay 32-caruur ah oo ubadkiisa iyo waxa ay dhaleen ah.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland