Maxamed Saleebaan Oo beeshiisu u Xulatay inuu noqdo Murashaxa Kaliya ee Beel ahaan uga qayb-galaya tartanka Doorashada Golaha Deegaanka Berbera

Berbera (SLpost)- Shir ay isugu yimaddeen wax-garadka, aqoonyahanka, Culimo aw-Diinka iyo Dhalinyarada Beesha Abokor Ciise oo ka tirsan Beelaha Ciise Muuse ee Aqlabiyadda deegaamada Gobolka Saaxil, ayaa lagu go’aansaday in murshax Maxamed Saleebaan Cali uu ahaado murshaxa kaliya ee ay meel ahaan u soo xuleen tartanka Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee magaalada Berbera.

Sidaa waxa lagu sheegay Qoraal lagu soo koobay go’aamada ka soo baxay shirka beeshu ku tashatay in Murshaxani yahay shakhsiga kaliya ee beel ahaan ay u soo xuleen doorashada Golayaasha Deegaanka degmada Berbera.

Qoraalkaas ayaa u dhignaa sidan:

“Waxay Beeshu Isku Raacday In Mudane Maxamed Saleebaan Cali Ay Beeshu U Xushay Inuu Noqdo Xildhibaanka Kaliya Ee Beesha Uga Tartami Doona, Beesha DhexdeedaWaxaa Ka Tartamay Dhawr Xildhibaan Waxaase Ku Guulaystay In Beeshu U Xusho Musharaxa Golaha Deegaanka Uga Tartami Doona Magaalada Berbera Mudane Maxamed Saleebaan Cali Ka Dib Markay Beeshu Qiimaysay Cida Ku Haboon Ee Booskan Buuxin Karta , Haddaba Markii Beeshu Ku Qanacday Oo Ay Eegtay Aqoontiisa , Kartidiisa , Dadnimadiisa Ay Beeshu Shaki La’aan Ku Qanacday Oo Mudane Maxamed Saleebaan Cali uu Hanan Karo Xildhibaanimada Golaha Deegaanka Ber-bera .

Gabagabadii Shirka Waxay Beeshu U Ducaysay in Ilaahay SWT Ku Guuleeyo Xilka Uu U Tartami Doono Waanooyin Badana U Jeediyay Haddi Ilaah Xilka Ku Guuleeyo .

Haddaba Waxaynu La Soconaa In Golihii Hore Ee Deegaanku Uu Noqday Fadhiid Kuna Caan Noqday Dhul Boob Iyo Hanti Urursi Oo Shicibkii Soo Doortay Ku Hungoobeen , Haddaba Mudane Maxamed Saleebaan Cali Waa Nin Dhalin Yaro Ah , Karti Badan , Da’daal Badan Illahayna Ku Munaystay Dulqaad Iyo Deeqsinimo Waa Khabiir Muddo Ku Soo Jiray Saxaafada Isaga Oo Ahaa Agaasimaha Shabakada Calaamiga Ah Ee almisnews.info , Waxaa Kale Oo Uu Ahaa Ciyaartooy Caan Ka Ah Gayiga Somaliland Waana Nin Aqoonta Maamulka Iyo Maaraaynta Ku Wanaagsan , Haddaba Mudane Maxamed Saleebaan Cali Waxaa La Filayaa Inuu Wax Badan Wax Ka Qaban Doono Arimaha Bulshada Sida Ciyaaraha , Waxbarashada , Caafimaadka Iyo Nadaafada Iyo Waliba Horumarinta Saxaafada , Waxaa Kale Oo La Filayaa In Dhalinyarada Bilaa Camalka Ah Uu U Samayn Doono Shaqooyin Ama Garoomo Ay Ciyaaraha Ku Cayaaraan Si Ay Uga Joogsadaan Tahriibka Ama Mukhaadaraadka Sida Jaadka.”

Wa Bilaahi Tawfiiq

 Allah Mahad Leh

Odayaasha , Waxgaradka , Aqoonyahanka , Culima-aw-diinka iyo

Dhalinyarada Beesha Abokor Ciise