Maxamed Mursi Oo Maxkamadi Ku Xukuntay Sannado Badan Oo Xabsi Ah

MursiCairo, (SLP)- Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa Madaxwaynihii hore ee dalkaas Maxamed Mursi ku xukuntay 20 sano oo xadhig ah.

Maxkamadka ayaa la filayaa inay go’aankii ugu horeeyey ka gaadho tiro kiisas ah oo ka dhan ah madaxweynihii hore, Maxamed Mursi, oo milaterigu ay xukunka ka tureen sannadkii 2013.

Waxa lagu eedeeyey, isaga iyo tiro kale oo ka tirsan hogaamiyeyaasha Akhwaanul-muslimiin, inay kiciyeen taageerayaashooda oo dilay wariye iyo banaanbaxayaal mucaarad ah, isku dhacyo ka dhacay dibadda qasriga madaxtooyada. Kooxda difaacaysa Mursi ayaa sheegaya in uu waajihi karo ciqaab dil ah.

Boqollaal ka tirsan taageerayaasha Akhwaanul-muslimiin ayaa dil lagu xukumay, kooxdaas waxa mamnuucay madaxweyne Cabdulfataax Al-sisi.

Ikhwaanku waxay madaxweynaha ku eedeeyeen in nidaamka caddaaladda uu u isticmaalayo hub ahaan.

 

Somalilandpost.net