Maxamed Kaahin oo Shaaciyey Damiciisa siyaasadeed ee Hoggaaminta Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye, Muj. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta Shaaciyey inuu ka mid yahay Musharixiinta u tartamaysa Guddoomiyenimada xisbiga uu hoggaankiisa ka tirsan yahay.

Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sheegay in tartanka shirwaynaha xisbiga Kulmiye aanu ku koobnayn oo kaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdicasiis Samaale, balse ay loolanka Guddoomiyaha ragga ku jiraa badan yihiin, isla-markaana uu isagu ka mid yahay siyaasiyiinta ku tartamaya in loo doorto Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Maxamed KaahinMaxamed Kaahin oo maanta Warramay Telefiishanka Qaranka Somaliland, ayaa sheegay in rag gaadhaya ilaa shan siyaasi ay u diyaar-garoobeen tartankaasi “Anigaygan kula hadlayaa waxaan ka mid ahay ragga tartanka ugu jira kuraasta loo tartamaya ee Kulmiye (Guddoomiyenimada iyo Musharaxnimada Madaxwaynaha)” ayuu yidhi

Maxamed Kaahin Axmed waxa uu ka digay in xisbiga Kulmiye ku baa’abyo hogaamiye talada kaligii maroorsada “Xisbiyadii Soomaaliya iyo Somalilandba soo maray waxa baabiiyey hogaamiye kaligii doona in taladu ka go’do sida xisbigii SNL, xisbigii Kacaanka, LEEGO iyo UDUB, markaa waxaan jecelahay inaan Kulmiye noqon sidaasi oo kale,”ayuu yidhi.

Maxamed Kaahin waxa uu ku soo biiray Liiska laba Hoggaamiye oo hore u caddeeyey inay ku loollamayaan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo kala Guddoomiyaha wakhtigan Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale.

SOMALILANDPOST.NET