Maxamed Faarax oo Mar kale ku guulaystay Billad Dahab ah

London (SLpost)-Halyayga weyn ee reer Somaliland ee orodka dheer ee haysta jinsiyadda Britain Mo Farah, ayaa maanta ku guulaystay tartanka orodka 5000m ee tartanka ciyaaraha Olompic-ga ee ka socda magaalada London, waxaanay noqonaysaa biladii labaad ee dahab ah ee uu ku guulaysto ka dib markii uu dhawaan ku guulaystay tartankii 10000m ee isla tartankan.

Biladdan labaad ee dahabka ah ee uu ku guulaystay Mo Farah waxay ka dhigaysaa biladaha dalka Ingiriisku ku guulaystay tartankan Olympic-ga tii 27-aad ee dahab ah, waxaanay guushiisu noqonaysaa mid la yaable ka dib markii uu isku darsaday biladihii tartamada Orodka 5000m iyo 10.000m.

Mo Farah waxa uu ku orday 13 daqiiqo iyo 41 Ilbidhiqsi, waxa kaalinta labaad ee tartanka orodka 5000m ku guulaystay Dejen Gebremeskel oo u dhashay dalka Itoobiya halka Kaalinta sadexaadna uu galay
Thomas Longosiwa oo u dhashay dalka Kenya.

Dadweynaha Ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa caawa mar kale u riyaaqay guusha labaad ee taariikhiga ah ee Halyga weyn ee Mo Farah ka soo hooyay tartanka ciyaaraha Olombiga ee ka socda dalka Ingiriiska.