Maxamed Cabdullaahi Cumar isagaa kow ka ah in Xisbigii Kulmiye uu sidaa ku dambeeyo

QALINGuushii Kulmiye ee 1-dii July 2010-kii, dhisitaankii xubnaha Xukuumadda cusub, Madaxweyne Ahmed Silaanyo oo 27/07/2010 si rasmi ah ula wareegay hoggaankii dalka iyo Muuse Biixi oo iska dhex waayey Xukuumaddii Kulmiye. Waxa la wada ogyahay sida xad-dhaafka ah ee uu Muuse Biixi u rabay inuu ka mid noqdo Golahii wasiirrada ee Xukuumadda cusub, aqooni waa yeelkeede balse Muuse wuxuu qoondaystay inuu noqdo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Axmed Silaanyo, haddii uu taa waayana inuu noqdo ka Wasiirka Arrimaha gudaha.

Xukuumaddii la dhis, Muuse Biixina iska dhex waa. Dabadeed wuxuu Muuse is yidhi bal Wasiirnimadii ku dhaaftee ayaanu Xisbiga uuni ku seegin. Sidaasuu Xisbigii Kulmiye gacanta u galay Muuse Biixi 28-08-2010-kii, isagoo jujuub iyo faro-maroojis kagala wareegay Madaxweynahii la doortay, hal bil kadib markuu hoggaanka dalka qabtay. Hore iyo dambaysoba, Muuse Biixi waxa kaliya ee uu ka fikirayey waxay ahayd dantiisa gaarka ah iyo hankiisa siyaasadeed balse marnaba kamuu fikirin danta iyo jiritaanka Xisbiga, ismanuu isweydiinin: Xisbul Xaakimka imikuun kursiga ku guulaystay, maxaa Kulmiye iska bedali doona haddii si ju-juub ah loogala wareego kii ay codbixiyeyaashu daradii codka ku siiyeen Xisbiga ee guusha dhaliyey(M/weyne Silaanyo)?

Markii uu Axmed Siilaanyo Gudoomiyaha ka ahaa Xisbiga Kulmiye dadkii sida weyn ugu codeeyey Xisbiga, labada magac ee Axmed Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye waxay ahaayeen laba magac oo isku mid ah ama aan idhaahdo isku hal magac ah. Taa macneheedu waxa weeye taageerayaashu 80% waxay Xisbiga 2010-kii codka ku siiyeen magaca, sharafta, taariikhda halganka, waaya-aragnimada iyo tayada hoggaamiyenimo ee Axmed Siilaanyo, Guddoomiyihii berigaa haatana ah M/weynaha JSL. Aqlabiyadda taageerayaashii Xisbiga Kulmiye ee berigaa kamay warqabin in Xisbiga la wareejin doono, oo M/weyne aan Xisbigiisa ka talinini uu dalka xukumi doono. Dadkii Kulmiye doortayna haddii ay ogaan lahaayeen inuu Xisbigu dhaxal wareegayo, dad badan baa laga yaabaa inay codkooda u meel dayi lahaayeen.

 

Ayaa Ka dambeeyey inaan Muuse Biixi lagu soo darin Xukuumadda??

Waxa xusid mudan in Maxamed C/llaahi Cumar oo maanta Muuse Biixi gacantiisa midig ah, iskana dhigaya inuu Muuse Biixi daacad u yahay, inuu isagu ahaa qofkii ka masuulka ahaa in Muuse Biixi gebi ahaanba la qadiyo oo aan lagu soo darin Golihii Wasiirrada markii Xukuumaddu hoggaanka dalka la wareegtay, waxaana beddelkii Muuse Biixi galay Maxamed Xaashi Cilmi iyo Dr. Gaboose. Maxamed C/llahi ayaa isagu arrintan Madaxweyne Axmed Silaanyo ku qanciyey waayo xilligaa wuxuu ahaa gacanta midig iyo qofka ugu dhaw Madaxweynaha (marka laga reebo Marwada 1-aad).

Maxamed C/llaahi Cumar wuxuu kow ka ahaa ragga “Xukuumadda baadida la day-dayayey balse aan doonahayn inay hesho daa’im abidkeed.” Waxa jirtay inuu beryo ahaan jiray gacanta midig iyo masuulka uu Madaxweynuhu ugu kalsoonida badan yahay, Gobollada iyo Degmooyinka Dalkana si weyn baa looga aaminsanaa oo waxa la moodayey aqoonyahan da’ yar oo siyaasadda mustaqbal fiican ku leh. Maxamed C/llaahi Cumar waa nin aan ehel, qaraabo iyo rafiiq midnaba aan u roonayn oo mar walba gashada shaadh la midab ah meesha ay dantiisa gaarka ahi ku jirto. Wuxuu ka soo jeedaa beelaha dega Gobolka Gabiley oo Siyaasadda Somaliland saamayn muhiim ah ku leh, balse Maxamed C/llaahi haba yaraate wax sumcad, sharaf iyo taageero ah kuma laha beesha uu ka soo jeedo.

Waxa munaafaqnimo, meel ka dhac iyo wax laga xishoodoba ah in Maxamed C/llaahi uu maanta inaga dhaadicinayo inuu mabda’ iyo afkaar uu aaminsanyahay ay Madaxweynaha isaga horyimaaddeen. Waxa nasiib darro ah in uu xumaan ugu abaal guday Madaxweynihii isaga soo saaray ee sharafta huwiyey wuxuuna qabyaalad iyo il-maadeernimo ku raacay Muuse Biixi. Waxaan anigu aad ula yaabay M/weynaha iyo dadka ka ag dhawi siday u dareemi waayeen dibin daabyada uu ninkani kula dhex jiray golaha Xukuumadda iyo dagaalka uu waqtiga dheer kula jiray??!!

Maxamed C/llaahi, markii la magacaabay siyaasiyiin cul-culus oo ay gobol ka soo wada jeedaan sida Boobe Yuusuf Ducaale iyo C/casiis Maxamed Samaale ayuu bilaabay hinaase iyo masyr. Xirsi oo ay isugu dhawaayeen wuxuu kula colloobay in Xirsi diiday inuu la fikir noqdo.

 

Maxamed C/llaahi waa ninka Muuse Biixi ugu wacan lug-gooyada:

Maxamed C/llaahi wuxuu iska dhaadhiciyey in Muuse Biixi noqon doono Madaxweynaha JSL, isaguna uu ahaan doono gacantiisa midig, taasina waxay markhaati ka tahay rajo la’aanta uu siyaasadda ka qabo. Waa isaga ninka Muuse Biixi lug-gooyey ee mar walba talada qaldan siinaya ee ku yidhi: “Mar haddaad hoggaankii Xisbiga hantiday, ku dhawaaq inaad tahay Murashax, isla markaana aad M/weynaha hadda fadhiya kula tar-tami doonto golaha dhexe ee Kulmiye.” Isaga ayaa ka dambeeyey in uu Muse Biixi diido go’aankii Shirguddoonku ku soo Xuleen Golaha Dhexe. Markii Xilkii laga xayuubiyey ee uu arkay inuu wax walba lumiyey waa isga (Maxamed C/llaahi) ka Muuse ku yidhi ku dhawaaq guddi cusub oo fulineed oo aanay ku jirin M/weynaha, K/xigeenka iyo Samaale, waana arrinta uu Xoghayihii Xisbigu Xasan Siciid kaga soo horjeestay saaxiibadii.

Haddaba, nin aan lahayn wax lagu raaco dhan kastooy tahayba, ka leexday dariiqii Xukuumaddiisa, ka horyimid nidaamkii dawladnimada ee kala dambaynta, ka fallaagoobay Gobolkii, Degaankii iyo beeshii uu ka soo jeeday, wuxuu dedaal dheer ugu jiraa sidii uu uga takhalusi lahaa Madaxweynihii isagaba soo saaray; waxa is-weydiin leh muxuu Muuse Biixi ku soo kordhin karaa haddii aanu kol ay tahay 100 codna u soo hoynayn??!! Haddaba waxaan halkan ku caddaynayaa inuu Maxamed C/llaahi isagu kow ka yahay burburka iyo khilaafka aan dhammaadka lahayn ee Xisbiga Kulmiye.

Maxamed C/llaahi waxaa lagu xasuustaa:

1)    Hab dhaqanka kelidii danayste-nimo, xin, xaasidnimo, isla weyni iyo been.

2)    Waa wasiirkii ugu liitay ee soo mara Wasaaradda Arr. Dibedda JSL.

3)    Waa ninkii bur-buriyey ee isku diray bah-wadaagta Xisbiga Kulmiye iyo beelaha laf-dhabarta u ah guusha Xisbiga ee dega Bariga Burco iyo Hargeysa ee ku nool dalkan ingiriiska.

4)    Waa ninkii xukuumadda ka hor keenay ee sumcad xumada uga soo hooyey gobollada dalkoo dhan, siiba gobolka Gabiley, maadaama uu iskala weynaa ummadda reer Gabiley, gaar ahaan kuwa aanay dantiisu ku jirin.

5)    Waxaa lagu xasuustaa sida uu ula dhaqmi jiray Wasaaradda Arr. Dibedda iyo Shaqaaleheeda, min biyatooni ilaa wasiir isagaa isu ahaa oo xataa foojarada isku saxeexi jiray, maantana waynu aragnaa halkay marayso wasaaraddii.

 

 

Yuusuf Cali Maxamed

yuusufmax@gmail.com

London, UK