Maxakamadda Gobolka Saaxil oo ka Warbixisay Xadhiga 6 Qof oo loo Haysto Tuhunno Amni Darro

Hargeysa(SLpost)- Guddoomiyaha maxakamadda gobolka Saaxil,  ayaa sheegay in ilaa 6 qof oo u xidhan tuhun ku saabsan inay falal nabadgalyo darro abaabulayeen xabsiga ugu jiraan 10 cisho oo rumaan ah, balse aannay jirin guddi nabadgalyo oo raggaasi xukuntay.

 

Warar hore uga soo baxay xadhiga xubnahaasi ayaa sheegayay in guddi nabadgalyo oo xukuumaddu gobolka Saaxil ka samaysay 6-daa qof ku xuntay muddo dheer iyadoon la marin maxakamadda, balse guddoomiyaha maxakamadda Saaxil, ayaa sheegaya in marka mudddada rumaanku u dhammaato haddii caddaymo la keeni waayo maxakamadda loo celin doono xorriyaddooda.

 

Gobolka Saaxil waxaa laga dareemay in bulshadu diidan tahay wareejinta Haamaha kaydka shidaalka Berbera oo xukumaddu shirkaddo gaar loo leeyahay ku wareejisay. Waxaa ka dhacay rabshado googoos ah oo qaarkood ahaayeen dablay jidadka gashay iyo mudaharaad magaalada gudaheeda ka dhacay.

 

Halkan Hoose ka Daawo Warkaas oo Muuqaal ah:

https://www.youtube.com/watch?v=gbdi1C3cgXw

 

 

Somalilandpost, Hargeysa Office