Maxadka Faafinta Islaamka oo Kulan-diimeed lagaga Hadlay Dhibaatada Tahriibta u Qabtay Dhalinyarada Gobolka Togdheer

Burco,(SLpost)- Maxadka Faafinta Islaamka, qaybtiisa Somaliland, ayaa shalay kulan ballaadhan oo dhalinyarada lagaga wacyi-gelinayo dhibaatada tahriibtu leedahay ku qabtay hotel Deero ee magaalada Burco.

Kulankan oo qayb ka ah wacyi-gelin iyo muxaadarooyin Maxadku dhalinyarada kaga waaniyo aafooyinka Tahriibta iyo Is-qarxinta, ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiinta Maxadka faafinta Islaamka, bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ugu Horayn, waxa halkaasi ka hadlay Guddomiyaha Maxadka Faafinta Islaamka Somaliland Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) oo faahfaahiyey ujeeddadakulankaas oo khuseeyey sidii dhalinyarada looga wacyi-galin lahaa dhibatada ba’an ee ay leedahay tahriibta iyo is-qarxintu, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Runtii Tahriibtu Maalinba Maalinta ka danbaysa way ku sii Badanaysaa wadanka.Hadaba waxa is-waydiin leh waa maxay tahrribtu. Tahriibtu waa Risiq-doon. Waa Qof Risiq Meel Fog ka Doonaya oo u tahriibay. Qofkana Illaahay waxa uu u qoray arsaaqdiisa Markuu Uurka ku jiro Afar-Bilood. Waxaan Walalayaal idinkula talinaynaa Tahribtu waxba tari-mayso. Nafta layskama jaro Badna layskuma rido, ha Tahriibina oo dadkan gawaadhida idin hoos dhigaya ee idin leh anagaa ilaa Liibiya lacagta idinka bixinayna ee dabadeed Libya idinku xidhanaya iska ilaaliya oo Tahriibta iska ilaaliya, “ayuu yidhi Guuddomiyaha Maxadka Faafinta islaamka Somaliland.

Maamulaha Dugsiga Geeska Africa Maxamed Xandule Xuseen oo isna ka hadlay kulankaas, ayaa guud ahaanba bulshada ku dhaqan Gobolka Togdheer uga digay khataraha ka iman kara Tahriibta iyo is-qarxinta.

Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ee Gobolka Saaxil Sheekh Saleban Siciid Cali isla markaasna ah Masuul Maxadkaasi u qabilsan Gobalkaasi iyo Sheekh Bashiir Beddel oo halkaas ka hadlay, ayaa soo jeediyay muxadarooyin Diini ah oo ay kaga hadleen khataraha Ba’an ee ay leeyihiin aafooyinka Tahriibta iyo Is-qarxinta,  waxaana ka mid ahaa Hadaladoodii, “Muslimiintu waxay tilmamaan inay Muxarrim tahay in la tago dhul Gaalo ilaa Saddex sababood Mooyane; Waa inuu Qofku Cilmi u tagaa Wadamadaas, Cilmiga Uu ka soo Baranayaana uu ka waayaa dhulka Muslimiinta. Qodobka Labaad Cafimaad Waa loo Tagi-karaa. Qodobka Sadexaad Waa Hadaad u Tagayso inaad Faafiso Diinta Illaahay.”

Maxadka Faafinta Islaaamka ayaa sanadihii u dambeeyay dhalinyarada kala duwan ee gobollada Somaliland u qabanayey kulamo loogu gudbiyo sida ay diinta Islaamku u aragto isqarxinta, tahriibta iyo balwadaha dib u dhigay dhalinyarada.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net