MAXAAN DALKII KU SOO ARKAY – SIYAASAD, DHAQAALE…!

 

Anigoo dhawaan ka imid dalkii hooyo ayaan jeclaystay in aad ila qaybsataan wixii aan ku soo arkay Somaliland. Maadaama ay xirfaydaydu tahay dhaqaaleyahan u shaqeeya dawladda hoose ee magaalada Orebro ee dalka Sweden, ahna siyaasi ka tirsan golehoosaadyada dawladda hoose ee magaalada waxan ka hadli doonaa oo keli ah arrimo ku sahabsan dhaqaalaha waddanka gaar ahaan cashuuraha iyo saadaasha doorashooyinka soo socda insha allah.

Guud ahaan waddanka horta waxa ka muuqda horumar dhinaca dhismayaasha iyo waddooyinka ah, qofkii dhawr sano ka maqnaana aad buu ula yaabayaa. Dadka awooddooda dhaqaale ay dhexdexaadka tahay ayaa aad u kordhay waana meelaha laga eego in waddan uu horumar samaynayo iyo in kale. Nasiibdarro

marka dhaqaaluhu kor u kaco waxa waynaada faraqa u dhexeeya dadka saboolka ah iyo inta wax haysata maadaama wax waliba qaaliyoobaan.  Sidaa daraadeed waxa habboon in shicib iyo dawladba aad looga warhayo dadkeena saboolka ah si aanay innooga xumaan nabadda iyo horumarku.

Cashuur ururinta ayaa sannadihii ugu dambeeyay aad u korodhay laakiin inta ugu badan waxa laga qaadaa uun dadka danyarta ah. Cashuurta laga qaado waxa dekadda ka soo dega waxa ugu dambayta culaysku ku dhacaa oo bixiya qofka quutaha ah. Islaanta suuqa wax ku iibisa cashuur ayaa laga qaadaa maalin walba. Gaadhi haddii aad iibsato waxa lagaa qaadayaa cashuurta kala wareejinta oo ku dhaw tii laga qaaday markii gaadhiga la soo dejiyay. Adduunka gawaadhida hal mar uun baa la cashuuraa ee toban jeer lama cashuuro! Guryaha la kireeyo cashuur ku dhaw bil kiradeed ayaa laga qaadaa xataa haddii gurigaasi ay biil ka qaataan carruur agoon ahi. Waxa nasiibdarro ah in tujaarta waawayn, shirkadaha iyo dadka meheradaha waawayn leh aan laga qaadin cashuur ku salaysan waxa ay macaashaan sannadkii. Waxa laga qaadaa oo keli ah wax faroguud ah oo go´an, halkii laga eegi lahaa mid waliba waxa uu macaasho. Xataa haddii la xisaabin kari waayo waxa ku fulin in lagu dhaariyo kitaabka, umana malaynayo in qofna uu been ku dhaaran lahaa. Waxan u sheegayaa dawladda in xoolo badan dalku heli karo haddii si xaq ah loo qaado cashuurta. Khatar ayay keeni kartaa mustaqbalka haddii miskiinkana cashuur laga qaado kii wax haystana aan wax hagaagsan laga qaadin waayo kii wax haystay degdeg ayuu u taajirayaa miskiinkuna wuu sii caydhoobayaa uun.

Dhinaca siyaasadda anigu waxa aaminsanahay in dawladda immika jirtaa ay tahay tii ugu waxqabadka badnayd. Ma odhanaya ma jiro musuqmaasuq laakiin dawladdani waxna way cuntaa waxna dalkay galisaa halka kuwii hore ay wax uun cuni jireen. Markaad dadka la sheekaysato waxay ku odhanayaan marka la eego waxqabadka Kulmiye lagama guulaysan karo doorashada soo socota waa haddii madaxwaynuhu mar labaad isa soo sharaxo. Laakiin sida la isla dhexmarayo isma soo sharaxayo taasi oo guuldarro u keeni karta Kulmiye maadaama aanu xisbigu hore u sii samayn cidda beddelaysa. Maadaama wakhtigu yar yahay waxa dhici karta in loolanku muddo jiitamo ka dibna doorashadu hoosta ka soo gasho Kulmiye iyadoo aad loo loolamay oo la kala calafqaaday taasina ay keento in xisbigu waayo codod badan loolankaa dhexdiisa daraadeed. Waad ogaydeen sida dhibta yar ee xisbigii waynaa ee Udub u baaba´ay maadaama siyaasadda dalkeenu aanay bislaan oo ay wali ku salaysan tahay qabyaalad. Anigoo ka mid ah dadka taageera xisbiga Kulmiye waxa aan madaxaynaha, guddoomiyaha iyo golaha dhexe ee xisbiga kula talinayaa in si degdeg ah loo qabto shirwaynaha inta aanu sannadkani dhammaan oo go´aan laga gaadho cidda u sharaxan xisbiga. Haddii kale wuxu Kulmiye khatar ugu jiraa in lagaga guulaysto doorashada soo socota.

Khadar Axmed Barkhad

waryee@hotmail.com