Maxaad Ka Taqanaa Cuntooyinka Beerka Sunta Ka Dila

(SL.Post) Beerku waxa uu ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan jidhka aadamaha ,waana xubinta had iyo jeer ka hor tagta wixii suna soo gasha jidhka isla markaana had iyo jeer sifaysa dhiiga isla markaan dhamaan wasakhda iyo suntan la ku jirtana ka saarta .

beerka-dhakhtar-e1453470608551

Sidoo kale wax uu ka qayb qaata dheefshiidka waxa aanu jidhka ka saara saliidaha aan wax tarka u lahayn ee dheeraadka ah ,si aanay saliidahaasi ugu ururin jidhka .

Hadaba si aan u ilaalino caagimaadka beerka waxa haboon inaan caadaysano cunitaanka cuntooyinka beerka laftiisa sifeeya waxa aanay kala yihiin :

Kaarooga:

Waxa ku jirta maadada Paljlotatheon waxa aanay ka  sifaysa beerka isla markaana ka saarta sunta iyo saliidaha dheeraadka ah ee uu kaydiyay waxa aanu Carrot ku firfircoonida beerka isla markaana waxa uu kor u qaadaa shaqadiisa .

 

Tamaandhada:

Sidoo kale tamaandhadu lafteeda waxa ku hirta maadada aynu ku soo sheegnay Kaartootka ee Paljlotatheon ,waxa kale oo ku jira maadooyinka ka hor taga Acidha dheeraadka ah ee ay saliiduhu sababaan waxa aanay ka qayb qaatada sifaynta beerka ,sidoo kale waxa ay ka hor taagtaa xanuuno fara badan oo soo waajaha beerka .

 

Beytaraafka:

Beetaraafku waxa uu ka koobanyahay maadooyinka Flavinoid Plany iyo Beta-Carotene oo dhamaantood ka qayb qaata sifaynta beerka isla markaana waxa uu Beetaraafku kor u qaada shaqada beerka iyo firfircoonidiisa .

 

Toonta:

Waxa ay ka mid tahay toontu mid ka midd khudaarta ugu badan ee ka hor taga dhamaan wasakhda soo waajahda beerka ,waxa aanay ka koobantahay maadooyinka kala ah Allicin iyo Selenium waxa aanauy labadan maadoo ka hor  tagaan dhamaan wasakhada iyo suntan uu kaydiyo beerku waana maadooyin aad muhim ugu beerka.

 

Somalilandpost.net