Maxaad ka taqaannaa Taariikhda Hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, Yaase loo malayn karaa in beddelkiisa loo doorto? (DHEGAYSO)

godaneBaraawe/Washington (SLpost)- Xarakada Al-Shabaab, ayaa xalay xaqiijisay geerida Hoggaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane,  oo magaciisa Jihaadku ahaa Mukhtaar Cabdiraxmaan Abu Subeer, kaasoo ay sidoo kale geeridiisa xaqiijisay Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka oo xalay sheegtay inuu ku dhintay weerar ay ku bartilmaameedsadeen isaga iyo Saraakiil kale.

Waxay Kooxda Al-Shabaab sidaas ku sheegeen farriin qoraal ah oo ay soo dhigeen Bartooda Twitterka. Geerida hoggaamiyahooda ayay ku sheegeen in uu ku shahiiday weerer Cirka ah oo uu Maraykanku ku qaaday gobolka Shabeelada Hoose 1-dii September 2014-ka.

Dhinaca kale, dhimashada hoggaamiyaha Al-Shabaab waxa Jimcihii xaqiijisay xarunta Taliska Ciidammada Maraykanka Pentagon-ka oo ku cabbirtay in geerida Axmed Cabdi Godane ay horseedayso kala burbur ku yimaadda Ururka Al-Shabaab.

Axmed Cabdi Aw-Maxamed, ayaa sannadihii ugu dambeeyay hoggaanka sare ee Al Shabaab ka saaray Saraakiil sarsare oo qaarkood ay isaga la aasaaseen iyo kuwo Ururka Al-Shabaab. Sidoo kale, waxa warku intaasi ku daray in Hoggaamiyaha Al-Shabaab ay la dhinteen Saraakiil sarsare oo ay isaga isugu dhawaayeen oo marka la wareeray la socday.

Haddaba Maxaad ka ogtahay taariikh nololeedkiisa iyo saadaasha wejiga cusub ee Kooxda Al-Shabaab? Yaase Beddeli Kara Booskiisa?

mobile