Maxaad ka taqaanaa Taariikh nololeedka iyo Haybta Hoggaamiyaha Cusub ee Kooxda Al-Shabaab ABU CUBAYD?

Hoggaamiyaha cusub ee shalay loo magacaabay Ururka Alshabab Axmed Cumar (Abu cubeyd) waxa uu ku dhashay magaalada Qalaafe oo dhulka is maamulka Soomalida Ethiopia 1970-kii, halkaas oo uu kusoo barbaaray.

Sannadkii 1990-kii ayuu degay magaalada xeebeedka Kismaayo ee dalkaasi Soomaaliya, halkaas oo uu kanoqday macalin dugsi Qur’aanka oo aad caan uga noqday magaalada.

Abu CubaydaMuddo ka dibana waxa uu ka mid noqday ciidamadii Raaskambooni ee uu hoggaamiyaha ka noqday Sheekh Xasan Turki, kuwaas oo markii danbe ku biiray Maxaakiinta Muqdisho sanadkii 2006, waxaana ay dagaalo qadhaadh la galeen Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho iyo ciidamada DFKMG ee xiligii Cabdulaahi Yuusuf.

Hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab Axmed Cumar (Abu Cubeyd) waxa uu noqday Saraakiisha sar-sare ee dagaal galinta, waxaana uu sidoo kale soo noqday Gudoomiyaha gobolada Bay iyo Bakool ee Al-shabaab, waxaanu markii dambe noqday gacan-yaraha kadib markey si hoose isu fahmeen Axmed Godane bur burkii maxaakiinta kadib.

Abucubeyd ayaa waxaa kale oo ay saaxiib dhaw ahaayeen Axmed Cabdul Khadir (Isku dhuuq) oo Mareykanku duqeyn ku dileen horantii Sanadkan.

Mahad Cumar Cabdi Kariim oo hadda la baxay magaca Axmed Cumar (Abucubeyda) waxay Habro-wadaag yihiin Axmed Cabdi aw Mohamud Godane, waxaana Axmed Godane hooyadii la yidhaahdaa Cibaado Warsame, halka Mahad Cumar hooyadiis lagu magacaabo Fadumo Warsame.

Godane iyo Abu Cubeyd waxa dhalay laba gabdhood oo da’ ahaan isku xiga, waxaana weyn Abu Cubeyda hooyadii.

Cibaado Warsame iyo Fadumo Warsame waxay qabiil ahaan u dhasheen Beelaha Isaaq, gaar ahaan Garxajis, Habaryoonis, Reer Sugulle.

Amiirka cusub ee Ururka Al-Shabaab ku caleemasaarteen Baraawe, wuxuu qabiil ahaan u dhashay beesha Bajamaal oo dadka qaarkiis ay ku sheegaan in ay la dhasheen beesha Biyamaal ee Dir, halka dadka qaarkiisna ay rumeysanyihiin in Beesha Bajamaal ay ka mid yihiin Jareerweyn oo ka tirsan beelaha laga tirada badan yahay ee ku dhaqan dalkaasi Soomaaliya.