Maxaad ka ogtahay faa’iidada Caanaha Geellu ay leeyihiin?

Asalamu Calaykum Warraxmatullaahi Wa barakaatuhu.

Geellu waa haldoorka xoolaha aan dhaqano , geella ayaa si weyn looga dhaqdaa wadamada Jasiiradaha Carabta,Bariga iyo Waqooyiga Afrika iyo wadamo kale oo ku yaala W/Bari Qaarada Aasiya sida Waddamada Afganistan, Kazakhstan iyo Mangooliya iwm .

Geellu waxa uu leeyahay faa,idooyin farabadan  oo halkan lagu soo koobi Karin , mar waa gadiid oo waa lagu guuraa, waa lagu dhaansadaa, mar waa rakuub oo waxaa la isticmalaa sida baabuurta iyo faradaha oo kale ama waxaa lagu qadaa qof xanuunsanaya iyo ka jilicsan , marka ugu badana,  caanihiisa iyo hilibkiisa ,ayaa loo isticmalaa cunto iyo cabitaan.

 

Faaidada Nafaqada Caanaha Geellu leeyihiin.

Caanaha geella sida la xaqiijiyay waxaa ku jira,  maaddooyin badan oo jidhka Bani-aadamka faa’iidooyin u leh, isla-markaana maaha mid halkan lagu soo koobi karo, lakiin haddii allaha awooda lihi ogolaado , waxaan isku dayeynaa inaan waxyar ka soo qaadano, Caanaha geela waxay leeyihiin waxtar weyn , oo aan la soo koobi karin, laakiin waxaan tilmaamaynaa qayb ka mid ah faa’idooyinkaas:-

Dheelitirka nafaqada caanaha geella, way  ka sareysaa caanaha kale, taasoo macnaheedu yahay, in caanaha geella ,lagu noolaan karo, in kabadan inta lagu noolaan karo caanaha kale,faaidada caanaha Geella waxaa ka midda,  inay ka faaido badan yihiin dhamaan caaanaha kale ee jira , sida caanaha lo,da iyo adhiga , sidoo kale caanaha geella waxaa laga helaa, Maaddooyinka ,Calcium ,Phosphorus  iyo Vitamin B and C, Faytamin (C) laga helo caanaha geella waxa ay saddex jeer ka badan yahay, ka laga helo caanaha lo,da.

Sidoo kale  Calciumtu iyo Phosphorus-ku, waxay  inaga inaga caawisaa, dhinaca lafaha oo faaido u tahay , inaan lafaheenu jajabin,sidoo kale caanaha geellu  waxay hodan ku yihiin, waxaa loo yaqaan Birta ama (ironka) , taas oo ay aad uga badan tahay,  kuwa laga helo caanaha kale , taas oo la cadeeyey inay qiyaas ahaan toban jeer ay  ka badantahay,taas oo la macno ah,  inay u fiican yihiin , sida dadka dhiig yaraantu hayso iyo weliba hooyada uurka leh.

Sida ay sheegtay Hay’ada (UN) qaybta Qaramada Midoobay ee (FAO) ee Cuntada iyo Beeraha, in ay caanaha geellu wax yar uun , ay ka dhanaan yihiin caanaha kale ee lo’da ,waxay cadeeyeen in saddex jeer , in ku badan ay dheer yihiin Vitaminka C, Waxaa kale oo ku badan Vitamiinada kale, subagu markasta wuu ku yar yahay,taas oo ah , waxaa ku badan dheecaanada aan subaga dhalinin,Caanaha geella waxaa ku jira madooyin difaaca jidhka ,kuwaas oo yareeya fursadaha cudurada halista ah,sida Dhiig-karka iyo Sonkarta.

heerka subaga ee ku jirra caanaha Geella ayaa la sheegay inay ka yaryihiin kuwa ku jira caanaha xoolaha kale ee Lo,da iyo Adhiga, waxaa aad u yar subaga caanaha geella laga helo, taas oo kaa ilaalinaysa buurnida iyo sidoo kale xanuunka ku-hoos jira subagaasi sida colestrolka inay inaga ilaaliyaan caanaha geellu.

Caanaha Geellu waxay ka hortagaan hargabka xumada, beer-xanuunka dhiig-yarida, qaaxada iyo dhamaan cudurada gudaha sida gaastariga iyo sonkorta iyo dhiig-karka,  waxaa kaloo ay u roon yihiin sida la sheegay kansarka iyo cudurada wadnaha haleela, Caanaha geella waxaa ku  jira, maadooyin difaaca jidhka,  kuwaas oo yareeya fursadaha qaar ka mid ah cudurada halista ah, caanaha geellu waxay ka hortagaan jermiska iyo sunta jidhka soo weerarta,sidoo kale waxay la dagaalamaan , bakteeriyada oo way baabii,yaan ,isla markaana dhulka ayey la simaan, waxay aad u difacaan cuntooyinka dhibi-kara mindhicirada oo way dilaan.

Tusaale ahaan waxaa dhacda in ilmuhu markuu yaryahay qiyaas ahaan ilaa 2ba sano  , caanaha inta badan laga joojiyo , isla-mar ahaanta cuntada loo bilaabo , taas oo marka ay weynadaan aanay la qabsan caanaha oo markay cabaanba , ay markiiba si xawliya ugu ordaan suuliga , taas oo macnaheedu tahay inaanay la qabsan ama aanay la baran,taas oo ay caanaha geellu ay wax badan ka bedeli karaan , oo ay fiicantahay in qofku ilaa uu ka koraayo ,ilaa uu ka weynaanayo,  ay u wanaagasantahay inuu caanaha geella si joogta u cabo, haddii u heli karaayo, haddii kale waxaa dhici-kara in calooshaadu adkaato, oo dhib aada la kulmo, sababta oo ah maysan baran calooshiisu, sida dadka la qabsaday ama qabatimay , isla-markaana  may hayn kuwo hore ula qabsaday ,  hadaba waxaa loo baahanyahay in ilaa Sadex koob laga cabo,way ka adkaysi badan yihiin dadka kale oo markasta calooshoodu caadi ayey iska tahay.

Sidoo kale waxaa jira caanaha kale sida lo,da cuduro lagu sheego ,  lakiin caanaha geela haba-yaratee lagama helo wax cudura, sidoo kale caanaha geelle waa daawo, waxaanay daawo u yihiin dadkoo dhan, caruurta iyo dadka waaweyn gaar ahaan ilmaha xanuunka qaba Autismo, lagama yaqaan wadankeena, hase yeeshee waxay xanuunkani , hadda faro-baas ku hayaa sida la sheegay caruurta Qurbajoogta ah, siiba kuwa ku nool wadanka mareykanka(USA), Autism lagama yaqaan Dalkeena,  waayo inta badan Dadku waxey ku nool yihiin Hilibka iyo Caanaha Geella, Dhakhtarada qurbuhu waxay kula taliyeen, ciddii ay u suurogal tahay, inay Carruurta xanuunsanaysa ,isla-markaana qaba cudurkaasi Autism-ha, in ay  dalkoodii ku soo ku celiyaan , si xanuunkaasi looga daaweeyo,  iyadoo la isticmaalayo Caano iyo Hilib Geel oo qudha.

Caruurta yaryar waxaa u fiican , in loo bilaabo caanaha geella ,  caanaha kale uma roona, lakiin caanaha geella ayaa aad ugu faa,iido badan., sababta oo ah Caanaha geelu waa kuwo ugu dhow caanaha binu-aadamka , ee caruurtu ka jaqdo naaska hooyada, waxaa kaloo ay ka ilaaliyaan qofka cabbaya caanaha geellu, burburka iyo is-xoqida lafaha ku dhaca, inta badana dadka da’da weyn, ilmahana waxay ka ilaaliyaan cudurka la yidhaahdo dabaysha, maxaa yeelay waxay leeyihiin madooyinka (Calcium) iyo (Phosphorus) .

Heerka  xadiga biyaha  ee  ku jira caanaha geella , aad ayey uga badan yihiin, marka loo eego kuwa kale ku jira caanaha kale,  oo dadka geella dhaqda ama dad reer miyigu waxay ku noolaan karaan biyo la,aan , caanaha geela oo keliya inay cabaan,sidoo kale Maadada Ironka “ caanaha geelu waxay qani ku yihiin maadadaasi ironta  ee birta iyo unugyada dhiiga soo saara ee cascas, macdanta Birta ee ku jirtaana toban-jeer, ayey  ka badan tahay, kuwa caanaha Lo’da laga heli karo.

Sida la cadeeyey Caanaha geellu ,waa ka faa’iido badan yihiin , caanaha kale  lo’da iyo adhiga, cuduro ayaa lala xidhiidhiyaaa caanaha kale lo’da , balse aysan jirin cuduro lala xidhiidhiyey caanaha geela, caanaha geela waxay ka hortagaan, jeermiska iyo sunta jidhka soo weerarta, caanaha geellu, waxay la dagaalamaan oo kale bakteeriyada, wayna baabi,iiyaan,  caanaha geellu waxay kaloo difaacaan ayaa la sheegay cuntada dhibi karta mindhicirada ,isla-markaana bakteeriyadana way ka dilaan.

Waxaa kale oo jira in dadka geella dhaqdaa ama reer miyiguba, way ka caafimaad badan yihiin marka loo eego dadyowga kale , taas oo la odhan-karo waxaa keenay caanaha  iyo hilibka geella ay sida aadka u isticmaalayaan.

Faa’iidooyin ay leeyihiin caanaha geella, “Alle ha u naxariistee”  Abwaan Cabdi Galayax, ayaa waaya aragnimo ahaan ku arkay arrimahaasi , wuxuu kaloo uu xusay , in caanahaasi ay isaga u yihiin cuntada ugu qiimaha badan oo saddexda waqtiba isaga uu ku nool yahay, sidoo kale wuxuu sheegay in geelu uu u joogo meesha ragga xiniinyuhu ay u joogaan, wuxuuna yidhi:-

Caanaha qiyaas laga lisiyo ,qoran karuurkeeda

Ayuunbaa quraac iyo cashaba, lagu qaboobaaye

Qandho iyo kulayl laguma oga, qabata meel baase

Qabsinkiyo calooshoo dhanbay, qaras u diidaane

Inkastoo qasnado looga furo, qadana loo yeelo

Magaalada ma qaayibo ,ninkay qaawo korisaaye

Qaxwe kulul ,qudaar iyo bariis ,qamadi laysiiyo

Qaddac subaga weel lagu daroo, qiiqu ololaayo

Qalbiga waxawga sii roon,inaan dhay qur-quriyaaye

Kol haddaan malkuhu ii qotomin ,qulubtay laabtiiye

Qisa nimaan lahayn baan ogayn, qiimahay tahaye

 

Sidoo kale Gabayga( Dhaqasho waa Geel) oo uu tiriye “Alle ha u naxariistee “Abwaankii weynaa Cumar Austreli oo lahaa,  gabay geela ammaanaya ayaa waxa ka mid ahaa :-

Adhi waa dhallaan iyo haween ,dhimaradiisiiye

Dhaldhalaalka iyo ciirtu ,waa dhuubka karameede

Dhaqaalaha haweenkiyo ,guryaha siima dhaafsana’e

Lo’da dhiiqda laga maalayiyo, dhayda iyo xoorku

Dhudhunkay biyaha kula jirtiyo, dhabarka weeyaane

Mar hadday abaaruhu dhacaan, dhimatay geesleeye

Ragga laxaha sii dhawrayow ,dhaqasho waa geele

Dhibaatiyo adoo gaajo qaba ,dhaxanta jiilaalka

Dhoor caano laga soo lisoo ,yara dhanaanaaday

Nin dhadhamiyey ,wuu garanayaa dhul ay qaboojaane

Goortaad dhantaa baa, jidhkaba dhididku qooyaaye

Ragga laxaha sii dhawrayoow ,dhaqasho waa geele……

Waxaa kale oo jira in khubaro aqoon kale leh , ama wadanka Somaliland sida aan daawaday barnaamij aad u fiican oo SLNTV ugu soo daayey,  siiba magaalada Hargeysa , ay  lafaha geella ka sameeyaan sabuunta aynu markasta aad u isticmaalo , oo aan wax madooyin chemical ah lagu darin, waxaa kale laga sameyn-karaa oo kale, caanaha la fadhiisiyey sida caanaha boodhaha oo kale, oo dibad iyo gudeba loo isticmaali karo..

Ugu danbeyn hadaynu nahay reer Somaliland , dalkeenu waxa uu ka jiraa wadamada geeska Africa ee caanaha geella sida aadka looga helo , inkastoo iminka uu sii dabargo,aayo, hadana waxaa laga maarmaan ah inaan ka faaideysano, waxaana aan leenahay waa nimco ilaahay ina siiyey oo aynaan si fiican u ogeyn, caruurtuna inta ay yaryihiin baritaankooda lagu  koriyo ilaa ay ka weynadaan.

Qofkii awoodu u saamaxayso inuu maalintii sadex koob cabo caanaha  geella, sidoo kale waxay ka qayb-qataan koritaanka caruurta iyo qofka weynba, dhererka dadka ilaahay baa keena,  lakiin hadana sameyn ayey ku leeyihiin ayaa la sheegay dhinaca koritaankaasi, dadka caanaha geella ilaa yaraantoodii isticmaalayey koritaanka dhererkoodu aad ayuu dheeryahay.

Hay’ada Cuntada Aduunka ee FAO,ayaa  ka sii deysey iyaduna Barnaamij  Idaacada BBC-da qaybteeda Online-ka , waxayna kaga warameen inay soo waaridida Caanaha-geela aad u danaynayaan qaar kamida Dukaamada waaweyn ee dunida ugu caansan Sida: Shirkadaha Harrods,Fortnum & Mason, Khubaro dhinaca  caafimaad ayaa ku taliyey cabida caanaha geela, taasoo hada wadamo badan ku dhalisay in ey guda-galaan , sidii ay caanahani ugu diyaari lahaayeen, amaba si la-mid ah caana booraha iyo qaababka kale ee loo dhoofiyo caanahaasi faa,idada badan, si loo gaadhsiiyo wadamada aanan dhaqanin geela.

Ma isweydiisay sababta dadka reer miyaga si guud ahaaneed iyo dadka geeljiraha ahi,  si gaar ahaaneed uga caafimaad badanyihiin dadka Reer magaalka ah ??? Iyadoo aysan jirin haba yaraatee wax daryeel caafimaad ah ey haystaan.

Geba gebadii,  faa,iidada caanaha geella waa nimco Allah subxaana watacalaa inagu galaday lakiin aanay weli garanayn sideynu ugu faa,ideysan lahayn, dadka Somaliland waxa u fiican in ay soo celiyaan qiimihi sare ee caanaha geellu ay ka joogeen dhexdooda iyo dhaqankoodaba,  si aynu markale u noqono bulsho caafimaad qabta.

Wixii aan saxnay , waa wax Allah xaggiisa ka ahaaday,wixii aan khalad-nayna waa shaydaan iyo naftayda, denbi dhaaf ayaana Allah weydiisanaynaa.

 

Wabilaahi Tawfiiq

Ilaahay ayaa mahadleh-

Waxaa soo diyaariyey /qaybo ka middana soo turjumay

Adan Yusuf Elmi/UK