Maxaabiis falal Budhcad-badeednimo ah u xukuneyd Oo Maanta Ka Baxsaday Jeelka Weyn Ee magaalada Boosaso

Puntland (SLPOST)- Waxaa maanta jeelka weyn ee magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga Maamul-goboleedka Puntland ka baxsaday laba maxbuus oo ka tirsan maxaabiista budhcad badeed ah oo ku xidhan jeelka weyn ee magaaladaas.

boosaaso

Baxsashada maxaabiista ayaa timid kadib markii 15 maxbuus oo ku xakunaa falal budhcad badeednimo ay ka boodeen darbiga jeelka, iyada oo markii dambe ciidamada asluubta ee jeelka ay dib u soo qabteen 13 ka mid ah maxaabiistaasi labana ay baxsadeen.

“Waxaa gacanta lagu sooo dhigay 13, toban waa ay bad qabaan,  laakiin sedexda kale waa ay jajabeen maadaama ay ka boodeen darbiga jeelka,” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay askari ka tirsan ciidamada Asluubta ee jeelka

Ciidamad ilaalada jeelka iyo kuwa ammaanka magaalada ayaa weli ku raad-jooga labada maxbuus ee ka baxsaday jeelka.

Maxaabiistan waxa ayaa baxsashada waxaa u fududeeyey sida wararka ay sheegyaan, iyagoo isku xidh-xidhay macawiisyadii ay wateen sidaana ay uga booday darbiga

Maalin walba oo Jimce ah  ayaa waxaa jeelka booqda shacab badan oo eheladooda uga xidhan  saldhiga weyn, waana maalin mashquulkiisu badan yahay.

Maxaabiista maanta baxsatay ayaa waxaa laga keenay jaziiradda  Shiishelis oo lagu soo xukumay, waxaana lagu waday in xakunkooda ku dhammeystaan jeelka Bosaso

Waa markii ugu horeysay ee maxaabiis ay ka baxsadaan jeelka weyn ee magaaladaa tan iyo markii madaxweyne Gaas-ka maamul-goboleedkaasi uu xilka madaxtinimo la wareegay.

Taliska ciidanka asluubta ee jeelka ayaan weli ka hadlin dhacdadan.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland