Maxaa Uga Meelyaala Reer Hargeisa Arrinka Airportka? – (Dee Muxuu Sameeyaa Ilkahaa u Midigoo, Micidaa u Gacanee) – W/Q: Faysal Cumar Madar

FaysalYaasinka Yaasinka haddii layaaba yaasinka, waa suurad ka mida Quraan ka kariimka ah ee Illahay (SWT) umadiisa u soo dajiyay waa surad aynu ayeeyaheen ka soo gaadhnay oo ay inta badan soo qabsan jireen markay xaalad ama wax ka yaabiya arkaan.

Anna imika waxaan leeyahay Yaasiinka Yaasinka Waayo, hadaba maxaan arkay ee aan la yaabay? Waxaan layaabay oo aan arkay Madaxweynahii qaran ka oo ay qaar warbaahinta ka midi leeyihiin wuxuu ka hadlay dooxa dacar budhuq iyo waxa kale oo u duceeyay dadkii dooxaasi qaaday ee alle ha u naxariistee uu ugu danbeeyay suldaan kii dhawaanta gu geeriyooday.

Markaan ducadaa qaatay ee aan aaminta idhi, ayaan sii eegay waxaaban arkay madaxweynihii iyo wasiirka wadooyinka (Xirsi) oo ka hadlaya meel ay leeyihiin waa (Check point) oo waxa loogu tala galay in kantaroolkan lagu joojiyo, dadka maraya dooxan marka biyuhu socdaan, Markaas ayay yidhaahdeen, “Si aanu uga hortagno dadka naftooda ku haligaya biyaha ama isku tuuraya daadka oo socda.”

Yaasiinka waan naxay oo waxaan iswaydiiyey suaalo badan, oo ay ka mid tahay, tollow Qofkasta ama marxuumkasta oo ku nafwaayay dooxyada u dhexeeya Hargeisa iyo Berbera miyuu ishaligayay mise ajashaa ka dhamayd?

Waxa kale oo aan isweydiiyay dadkaas waxa ku jiray, Masuulo iyo Odayaal waaweyne iyaguna ma noloshay ka quustay oo way is haligeen ileen waa sida arrintu u dhigan tahaye, waa yaab kale Iyo Yaasiinka haddana.

Mar kale waxaa isweydiin mudan Askar dadka Daadka Ka celinaysa ama ka qabanaysa, si aanay isugu tuurin sida kuwa Cilaajyada ilaaliya oo kale, waayo waxaan arki jiray uun dadka  xanuunsanaya xaga xiska meelaha lagu daweeyo shaqaalaha jooga oo dadkaa ku canaanaya cun cuntada iyo hasaarin kabaha waayo qofkan ilaahay ayaa maankii iyo miirkiiba ka qaaday alle inaguma keenee sidaasana deedna dadka xanaaneeyaa ilahay khayr haka siiyee deedna wuxuunbaan ana markaa u qaatay askartan joogaysa check point kani in ay yihiin sidii kuwaa jooga uun iclaajayada.

Haddaba meeshan waa dooxyadee intaan cilaajayaba laga dul furinba maxaa loo dhisi Waayay Bridge ama maxaa loogu samayn waayay biraha yar yare e dhaafiya dooxyada ciida ay daadku ka ga tagaan ee keena in ay baaburtu ku haka daan dooxa dhexdiisa deedna uu marka biyuhu soo bataan uu qaado gawaadhida taasina waa ta keenta in uu haligo dad iyo duunyaba daadku .

Waxa kale oo aan jecelahay in aan wax yar aragtidayda ka dhiibto Egal international Airport shaki kuma jiro in mugdi lagaliyay dhabahii iyo sumcadii gagada diyaaradaha ee caasimadda waayo waxaad arkaysaa xukumadii oo ka jawaabaysa oo lasoo taagan waxba lama xumayn ama waxba lama lunsan iyadoo joogta shirkadii qaadatay qandaraaska, ka dibna waxaan is idhi shirkadii la lahaa waa shirkad Jayniis ah (Chines) malaha wasiirada ayaa lahaa? Ilayn iyadaa is-difaaci lahayd oo dhan lahayd anaga intaasaa lanagula galay heshiiska intiina waa kaas aanu hawshaa ku qabanay.

Ka dibna iman lahayd inla eedeeyo shirkada iyo in loo garaabo oo la yidhaa waar iyaga intii lagula heshiiyay way qabteen lakiin nasiib daro waxa ina helay wasiiro qandaraas layaal ah.

Haddaba su’aashu waxay tahay maxaa inooga meelyaala reer Hargeisa ahaan arinkaa Airportka? Aniga waxay ila-tahay in aynu inagu waa (shicibka caasimaddee) dhamays tirano oo aynu ku darsano 1KM oo aan anigu ku qiyaasay lacagta inagaga bixi karta ($1 000,000) waliba waynu qaybsanaynaa ilayn ceebtani waa mid Hargeisa lagu xumaynayee waxaan soo jeedinayaa in  5-ta degmo ee Hargeisa loo qaybsado oo calaa degmo lagu  qaybiyo midkasta ($200 000).

Waa in aynu gudi madaxbanaan aynu samayno oo aynu dad aqoon leh u xilsaarno aynu wasiirkan dalqada indhaha kulehna nidhaa waar hanoogasoo dhawaan ee hadaad mid aad maamusho doonayso oradoo wakaa waliba adeero kuu dhagax dhigaye ku ee kow ka Burco.

Waxaan kusoo afmeerayaa qoraalkan maansadii hadraawi ee kalamaan tixka mida:

Maqal waxan ku haystaa

Muslinkiyo waraabaha

Madmadowga tuhunkiyo

Mashaqada dhex taallaa

Inay tahay is maan-dhaaf

 

Muudaaga  xooluhu

Markay ay la kulantee

Muuqiisa aragtay

Lugaheeda maashaa.

Isna wuxuu majiiraha

Uga daba maleegtaa

Celi maganta baadida,

Is maqiiqidiisiyo

Mintidkiyo dedaalkaa

Hadba muruq u siibtaa;

Dee muxuu sameeyaa

Ilkahaa u midigoo

Micidaa u gacanee

 

Aniguna muddicigow

Waxaan meel la joogaa

Muran li’I dhurwaagaas.