Maxaa U Sabab Ah Beddelaadda Deg-Dega ah ee Badhasaabyada Gobolka Gabiley?

Sacad Qodaal-Joog

Gobolka gabiley oo ka mid ahaa goboladii cusbaa ee madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale magacaabay. Wanqalkiisuna uu ku beegnaa 25/5/2008 mar kale madaxwayne rayaale waxuu badhasaabkii u horeeyay u soo magacaabay Axmed Maxamed Cabdi Axmed(xabiib)   qudbadii ugu horeysay ee uu ka jeediyay fagaaraha khayriyada ayaa ahayd mid uu balan qaadyo badan uu dusha u rito isagoo balan qaaday in uu jaamacad u sameeyo gobolka gabiley in uu jidad u samayn doono in uu dhamays tiri doono cusbitaalka wayn ee qabyada ah waxaase mucjiso noqotay  in  uu rumeeyo balanqaadyadaas oo dad badani aaminsanaayeen in aanu balan qaadyadaasi fulin karaynin waxaana ugu muhiimsanaa jaamacada gobolka gabiley laga aasaasay uu fikirkeeda iyo bilawgeedaba lahaa. jamacadaas oo shaqaynaysa maanta.  mar kale waxa uu ku guulaystay in la dhamays tiro  dhakhtarka wayn ee gobolka gabiley . kaasoo qaadhaamo badan oo laga soo ururiyay jaaliyada soomaaliland ee yurub iyo kaalmo si gaara uga timiday hayada bish cas ee imaaraadka carabta taasoo madaxwaynehii hore ee rayaale uu gacanta ka soo galiyay badhasaabkii hore ee  mr axmed (xabiib).mar kale waxuu ku guulaystay ceelasha biyaha botoreed iyo biyo galintii magaalad gabiley  Isku soo wada duuboo waxuu xilkii iska casilay markii laga guulaystay xukumadii udub ee soo magacawday isagoo xilkii ku sii wareejiyay ku xigeenkiisii mr c/risaaq sh.aadan.Maxay dadwaynaha reer gabiley ku sabootiyeen duco. Mar aan wax ka waydiiyay oday muuse jaamac garas maamulkii iyo shaqsiyadii mr axmed(xabiib) wuxuu igu jawaabay: wuxuu ahaa nin aanay ku jirin hamiga hanti urursi, wuxuu ahaa nin u heelan horumarinta gobolka gabiley. Kartidiisa iyo maamul wanaagiisa waxaa lagu xasuusan doonaa dulqaadkii uu u muujiyay taageerayaashii xisbiga kulmiye isagoon qofnaba kula kicin wax xadguduba. Markii uu xilka la wareegay madaxwayne siiraanyo mudo bil iyo badha ka dib wuxuu badhasaaab u soo magacaabay c/rashiid cumer sh.muxumed warsame halka ku xigeenkiisana uu usoo magacaabay cali cabdi c/laahi. Waxaa xusid mudan madashii xilwareejinta in laga dareemayay mid aan si wayn loo soo agaasimin madashaa xilwareejintu ka dhacaysay oo ayna ka dhex muuqan siyaasiyiintii awooda badan ku lahaa xisbigii guulaystay gaar ahaan kuwa baarlamaanka kaga jira xisbiga kulmiye lagana soo doortay gobolka gabiley mudo bila markii uu xilka hayay mr rashiid cumer sheikh waxa uu bilaabay dardar cusub isagoo u yeedhay dhamaan maayarada degmooyinka hoos imaada gobolka gabiley iyo iskuduwayaasha wasaaradaha ee gobolka gabiley ku sugnaa kulankaas oo ka dhacay hoolka cisbitaalka oo wakhtigaasi aanu dhakhtarku shaqaynayn waqabadkii mr.rashiid waxaa lagu xsuustaa heshiiskii ceel bardaale oo uu ku mutaystay shahaadadii nabada ee jaamacaduha dalku siiyeen  waxaase maamulkiisii ragaadiyay khilaafk isaga iyo maayarkii hore ee degmada gabiley ee dacwaysanaha ah khilaafkaasi oo aakhikii sobobay in badhasaabkii hore ee gobolka gabiley mr rashiid ay cuqaal iyo madax dhaqmeed aad u miisaan culus ay ku dacweeyeen madaxwayne siiraanyo .dacwadaas oo sobob u noqotay xilka qaadistiisii waxaana xilkii badhasaabnimo kale wareegay cali nuur aw aadan meecaad 26/5/2011 halka maayarka degmada gabiley marwo khadra x.ismaaciil yoonis oo horeba u ahayd  maayar ku xigeenkii golaha deegaanka degmada gabiley 28/5/2011 ay xilkii maayarnimo si ku meel gaadha loo gu wareejay inkastoo aan dib loo soo hadal qaadin eedayntii hanti dhawrka ee mr aadan xilka qaadistiisa sobobta u ahayd . badhasaabkii hore cali nuur aw aadan oo ahaa nin waayo araga oo in badan hawlihii maraakiibta iyo aramihii dakadaha ka sooo shaqeeyay soomaaliyadii hore ayaa intii uu joogay muujiyay dulqaad waxaana xilkii laga qaaday 10/1/2012kii waxaanu xilkii ku wareejiyay badhasaabka gobolka gabiley mr xuseen cumer magan 15/1/2012kii oo ah nin da’ahaan ka yar balse ay qurbo joog wada ahaayeen , waana nin aqoonyahan ah . sikastaba ha ahaatee maamuladii uu gobolka u soo magacaabay madaxwayne siiraanyo ayaa ah mid lagu tilmaami karo halxidhaalaha odhanaya( meeshaa maroo muuqaa la waa).ama maahmaahda odhanaysa (ruqe ninkii lahaa dabada hayaa ma kaco)  Waxaana sobob u ah badalada deg-degaa ee badhasaabyada gobolka gabiley xukuumada madaxwayne siiraanyo oo aan qorshe cad u samayn iyo istiraatijiyad maamulba waxaana wiiqda  awooda aan xadidnayn dhaqaale ahaana dhisan ee dawlada hoose taasoo xafiiskii gobolka ka dhigtay mid magac u yaala oo aan awood dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid maamulba  aanu lahayn  waxaana marag cad u ah in aanu xafiiska gobolku lahayn boodh muujinaya inay xaruntii gobolka tahay . in kastuu ku yaalo xafiiska gobolku guri dabaqa oo badhtamaha magaalada gabiley ku yaala oo caana .

Si kastada ha ahaatee badhasaabka mr xuseen ma ka badbaadi doonaa jidkii ay mareen labadii badhasaab ee hortii madaxwayne siiraanyo soo magacaabay?

Qalinkii Sacad X. Maxamuud Gadhle

Tell: 4669910