Maxaa sababay saboolnimada hadhaysay Caddaaladda Somaliland? – W/Q: Garyaqaan Muuse Yuusuf

Hannaanka Garsoorka Somaliland wuxuu la bilaabmay qorshe la’aanta la kowsatay dhammaan haya’daha qaranka ee majara habawgu ka muuqdo. Markaad eegto maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray garsoorku maamulladii

kala duwanaa ee dalka soo maray waxa uu ugu asturnaa garsoorku cahdigii Madaxweyne Cigaal, Markaad eegto labadan maamul ee ka danbe oo ka fursado badan xilligaas xag dhaqaale iyo xag sharciba.

Xilligii uu Rayaale ku guulaystay dorashadii madaxtooyada 2003 wuxuu bilaabay inuu wax ka qabto toosinta waaxda garsoorka, Wuxuu markaliya shaqada ka caydhiyay in ka badan 50 garsoore waxaanu ku badalay dad cusub oo ka kala yimi police,culimo iyo dadkii ku dhawaa maxkamadaha, Taas oo keentay caqabado horle oo maare loo waayay 7sanno oo uu m/weyne ahaa. Waxaa yimi M/weynaha hadda Axmed Siilanyo iyadoo taagan tabashaddii caddaalad la,aaneed, wuxuu wareegtadii magacaabista golihiisi wasiirada ee ugu horeeyay 28/7/2010 ku soo baxay w/wasaaradda caddaalada iyo garsoorka, yaab iyo amakaag, wasiirkii xiligaas loo magacaabay wasaaraddaas wuxuu ku qortay wasaaradii,xafiiskii iyo document yadii wasaaradda Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka.

Tallaaboyinkan oo ku nasakh maya Dastuurka oo si cad u tilmaamay magaca wasaaraddaas iyo shaqadeeda, waxaanu odhanayaa  QODOBKA 106aad XIDHIIDHKA HAY’ADAHA GARSOORKA IYO WASAARADDA CADDAALADDA

1.Wasaaradda Caddaaladdu waxay u xil-saaran tahay fulinta go’aanada maamul ee ka soo baxa Guddida Caddaaladda.

2.Wada-shaqaynta Wasaaradda Caddaaladda iyo Hay’adaha Garsoorka waxa qeexaya xeer.

Sidoo kale waxaa dastuurku sugay Qaabka,Shaqada, Awooda iyo xidhiidhka waaxda garsoorka, waana sidan DASTUURKA SOMALILAND. QAYBTA 4aad, XUBINTA1aad, WAAXDA GARSOORKA

QODOBKA 97aad

1. Waxa Qaranku yeelanayaa Waax Garsoor,oo hawsheedu tahay ugar-naqa ka dhaxeeya Dawadda iyo dadka; iyo dadka dhexdooda.

2.Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda ufulinaysaa si Dastuurka waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxya hakale ee Qaranka.

QODOBKA 98aad

1. Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay:

B.Inuu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha dastuurigaah iyo xeerarka degdegga ah iyada oo la raacayo Dastuurka.

T.Inuu kagarsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha Dawladda oo dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah ama dad weynaha dhexdooda.

J. InuukataliyomurankastaooIaxidhiidhawaafaqsanaantaDastuurka.

2.MabannaanaingarsooruhuqabtoshaqokaleintauuhayoxilkaGarsoorka.

3.Daryeelka ku habboon garsoorayaasha xeer baa nidaaminaya

QODOBKA99aad DHISMAHA GARSOORKA

1.Hay’adaha Garsoorku waxay ka kooban yihiin maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta.

2.Garsoorayaasha maxkamadaha iyo Xeer-ilaaliyaashoodu waxay u madax bannaan yihiin hawshooda garsoor iyaga oo raacaya xeerka oo keliya.

ILLAA IYO QODOBKA108aad HAWSHA GUDDIDA CADDAALADDA.

Taas waxaa xigey in M/weynuhu amray in la soo qorsheeyo qabashadda shir lagu eegayo Gol-dallooloyinka arimaha caddaalada, Shirkaaasi u ma hirgalin sidii saxda ahayd oo waxaa uu isu badalay mid lagu soo bandhigay qorshe hawleed 5 sannadood ah oo ay wadato UNDP.

Manay jirin wax qorshe iyo xog ah oo ka yimi dhinaca Hay’adaha Dawliga ah ee shaqadan qaranka u qaabilsan sida Guddida Cadaalda, Wasaaradda Caddaalada, Ururada Qareenada, Bilayska, Asluubta iyo Guddi hoseedyada Arimaha caddaalada ee Baarlamaanka 20/july2011 waxa uu m/weyne silaanyo xilkii ka qaaday Gudoomiyihii iyo garsooreyashi Maxkamada Sare laba garsoore marka laga reebo, waxaanu soo magacaabay badal koodi oo illa hadda aan dhamayn.

Gudoomiyaha m/sare ee cusub iyo Guddida Caddaalada ee cusubi waxay sameeyen Xil-kaqaadis, Magacaabis, iyo Dalacsiin saameysay badi Garsooreyaasha iyo xeer-laaliyayaasha ka hawl gala Maxkamadaha Racfaanka, Gobalada iyo Dagmooyinka inkasta oo ay yar yihiin wajiyada cusub ee lagu soo daray iyadoo xiligan ay badan yihiin tirada dadka bartay sharciga.

Intaas ka bacdi waxaa yimi ta maanta taagan ee ah in M/weynuhu bishan gudaheeda shan wasiir u saaray Sahaminta arimaha garsoorka taas oo keentay shaki badan oo tuhun galiyay dadka leh khibrada sharci in m/weyne silaanyo xagiisa waaxda garsoorku ka tahay wax hoos yimaada Wasaaradda Caddaalad waxaana taas marag u ah magacaabista digreetoda aan kor ku soo sheegay ee Wasiirka Wasaaradda Caddaalada uu ku magacaabay.

Waayo haddii uu il duufay markii hore miyuu marlabaad Waaxda Garsoorka u diri lahaa xubnahan wasiirada ah ee awood sharci ahaan halkaas gaadhi karin.

Ka daran ee Wasiir xuseen waxa uu si toos ah u cadaystay in uu hoos yimaaddo garsoorku markuu shiriyay Guddida Caddaalada ee uu isagu shir-guddoonka fadhiistay, sidoo kalena uu Agaasimaha guud ee wasaaradda caddaaladdu hanjabaad iyo awood sheegasho ku sameeyay dhammaan hawl-wadeennada maxkamadaha Gobalka togdheer.

Haddaba waxaas oo isku oodnaan ah waxaa keenaya mar kasta iyo maamul kasta oo hawshan u dhaqaaqa waxka qabashadeedu wuxuu ku galaa bilaa qorshe iyo qiiro keenta waxaa aynu soo aragnay iyo waxka liita, Si haddaba taas looga gudbo loona gaadho yoolka sugida Caddaaladda iyo helida Garsoor Madax bannaan, waa in la qaado tallaaboyinkan hoos ku qoran.

TALO BIXIN

* In maxkamadaha hoose la hoos-geeyo maxkamadda sare si garsoorku u noqdo hay’ad gaar uga baxsan waaxda fulinta;

* In garsoorku u madax-bannaanaado qorshaynta iyo maamulidda miisaaniyaddiisa lagana fogeeyo inay waaxda fulintu ku yeelato awood ay ku adeegsan karto.

* In dastuurku dammaanad qaado muddo xileedka garsoorayaasha maxkamadda sare Sida M/weynaha iyo golayaasha Baarlamaanka

* In xeerka nidaamka garsoorku dammanad qaado in Garsoorayaasha la siiyo mushahar,  gunno iyo dheef hawl-gabeed oo munaasib ah.

* In labada Gole [baarlamanka] noqdo hay’addo leh oggolaanshaha magacaabista Iyo xil-kaqaadista garsoorayaasha maxkamadda sare sida gudoomiyahooda loo ansixiyo.

* In Guddiga Caddaaladda laga dhigo Komishanka Caddaaladda, lagana saaro xubnaha ka soo jeeda waaxda fulinta.

* Deegaameynta ama dhismaha  maxkamadaha si hawlaha garsoorka hoos loogu daaddejiyo dhammaan degmooyinka dalka.

* Dayac-tirka iyo dib-u-dhiska maxkamadaha dalka, si loo casriyeeyo qalabka ay ku hawl galaan  loona sameeyo dhismayaal ku habboon maxkamado.

* In Xeer-Ilaalinta Guud laga saaro hay’adda garsoorka oo uu helo Madax-bannaani sharci

* In la sameeyo Guddiyo khabiiro sharci yaqaano ah oo daraasado iyo dib-ueegis ku sameeya dastuurka iyo shuruucda dalka oo ay ku jiraan gol-daloolooyin badan oo caqabad ku keena habsami-u-socodka hawlaha qaranka iyo wada-shaqeynta ha’yadda qaranka.