Maxaa Masaalix ah oo Somaliland uga soo baxay shir-weynihii London lagu soo gabo-gabeeyay?

Waxay ahayd fursad nadir ah oo  markii u horeysay ee si ficil ah loo gole geeyay qadiyadda Somaliland fagaare ay ku kulmeen wufuud heerkoodu sareeyo oo ka socday 54 dal oo ka mid ah beesha caalamka, gaar ahaan wadamadda daneyeeyeyaasha gobolka Geeska Afrika ee  sida dhow ula socda dhacdooyinka ka jira mandaqadda.

Madaxweynaha Somaliland  Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hoggaaminayay wefti qaran oo ka socday xukuumadda, Goleyaasha iyo Axsaabta qaranka, waxa uu wajigii labaad ee shirweynihii London ka jeediyay khudbad qaro-weyn oo uu tafaasiil kaga siiyay waxyaabihii u qaboomay qaran ahaan Somaliland labaatankii Sanadood ee u dambeeyay ee Soomaaliyana ay sabaynaysay mawjado colaadeed oo aan dhammaad lahayn.

 Warbixinta Madaxweynuhu wuxuu beesha caalamka u bidhaamay in Somaliland ku timid iraadada shacbiga oo aan la bedeli Karin, isagoo ku guubaabiyay inay aduun-weynuhu badhitaaro madax-banaanida qaranimada dalka  oo aanay hore waxba ugu darsan.

Madaxweynuhu wuxuu bedelay  quluubtii wufuudii shirka oo uu qalbigooda saamayn taban ku yeeshay horusocod la’aanta dalka guul-daraystay ee Soomaaliya, waxaanu si faah-faahsan uga sheekeeyay nabad-gelyadda seeska hoose laga soo unkay ee cagaha adag ku taagan ee Somaliland ku naaloonayso, dhismihii Ha’yaha , Goleyaasha qaranka iyo marxaladihii kaacaakufka ahaa ee qarankiisu u soo maray madax-banaanidda.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu adduun-weynaha dareen siiyay  doorka iyo kaalinta Somaliland ka qaadan karto suulinta fikradaha xagjirka ah ee kooxaha argigixisaddu ay u soo waarideen mandaqadda iyo la dagaalanka budhcad badeedda oo ay si weyn ugu istaagtay Somaliland  inay la dirirto.

Md. Axmed Siilaanyo  wuxuu  tallo ka geystay xal u helida mashaakilka Soomaaliya, waxaanu ku dooday inaan xalka Somalia ku iman Karin dawlad dibadda loogu soo dhisay oo uu tilmaamay inuu caalamku faro-madhan ka joogo, waxase uu soo jeediyay in wax laga bedelo qorshahaasi oo wax laga barto tubtii Somaliland  martay nabadeyntii beelaha iyo hubka dhigistii maleeshiyaadka.

Natiijadii shir-weynihii London ka soo baxday  habeen hore,  waxa uu Somaliland u ahaa bilowga aqoonsi ku meel-gaadh ah oo beesha caalamku siiyay Somaliland, sababtu waxay ahayd waxa qaraarkii shirka ka soo baxay lagu cadeeyay inaanay Somaliland arrinteedu ahayn  mid aan xiligan ku jirin Soomaaliya, hase yeeshee ay masiirkeeda kala xaajoon doonto  xiliga lagu guulaysto in dawlad loo dhan yahay  loo dhiso Soomaaliya. marka uu dhammaado xiliga kala guurka ah ee dawladda taagta darran ee Sh. Shariif oo cimrigeedu  ku eg yahay bisha August ee sanadkan.

Warbixintii shirka uu ka jeediyay Madaxweynaha Somaliland, waxay soo dedejisay in Wasiirka Arrimaha dibadda Turkigu  uu marti-qaad rasmi ah u fidiyo madaxweyne Siilaanyo si uu socdaal ugu tago dalkaasi.

Sidoo kale, waxa ka qeyb galka shirkani uu sii adkayn karaa saaxiibtinimadda Somaliland iyo dalka Ingiriiska oo ahaa mustacmaradii  uu xornimadda ka qaatay 26-kii june 1960-kii oo shirkan mart-gelinayay, waxaanay Somaliland aqbashay casuumaddii ay ka heleen Raysal wasaare David Camaron.

Waxa kale oo madaxweynaha iyo weftigiisu ay maalmihii la soo dhaafay kulamo kor loogu sii qaadayo iskaashiga labada dal ay la yeesheen Wasiirka Arrimaha dibadda William Hague  iyo Wasiirka iskaashiga caalamiga ah Andrew Mitchell.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxay Somaliland wax ka bedeshay wadiiqooyinkii natiijo la’aanta ahaa ee ay mari jirtay qadiyadda aqoonsi raadinta, waxaanay go’aansatay inay ka qeyb-gasho madal kasta oo lagaga hadlayo xal u helida mashaqada Soomaaliya  si ay badheedhaheeda iyo madax-banaanideeda ugu bandhigto adduunyadda.

Weriye Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com