Maxaa laga ogyahay Abaarta Jaabiri ee sixirka xoolaha oo saamayn taban ku noqotey Xoolo dhaqatada iyo Ganacsatadii Jeeblayaasha ahaa?

Xoolaha nool ee dalkeenu waa Tiirarka ugu muhiimsan, ee dhaqaalaheenu ku tiirsanyahay.Waa wax soo saarka kaliya ee dibad inooga dhoofa ee aan ku kala tartano, seyladaha caalamka,Hadba tirada xoolo ah ee Dekadeena ka dhoofta waa saamaynta koowaad ee kororka Dakhli ee dalka.Ishaa dhaqaale ee waxtarka weyn inoo leh lama siin Daryeelkii ay inooga baahnaayeen Xag Dawladeed xag Ganacsato iyo xag shacab intaba,Shacabku kuma baraarugsana Kaalinta ay kaga jiraan dalka Ganacsataduna Dantooda uunbey ka raacdaan ee uma daneeyaan Neefka iyo Ka dhaqda, Doorkii ugu muhiimsanaa oo ah ka dawladu waaka dayacaada badani ka muuqato, uma ilaaliso dhulkii ay ku noolaan lahaayeen,oo cidbaa dano gaara u oodatey oon manaafacaad dalka u lahayn,Uma qiimeysna Sixirka ay caalamka ka joogaan.(Dadkii ayaaba Dayacan,Laakiin kuwa lagu tiirsanyahay )

BULSHAAWINeefka adhiga ah ee Magaalooyinka waa weyn,ama sayladaha xoolaha loo iibkeena wuxuu dhaqaale ahaan usaameeyaa ilaa Toban Qof in kor u dhaafta,oo ninba si uu uga hello dhaqaale ama macaash,Ka kowaad oo ah kii dhaqdey, Gaadhigii uu soo saarey,Dilaalkii Iibiyey, Gees garaaca,Kasii iibsada oo ah kan isagu ka iibiya Midka dhoofinaya,Halkaana waxaa ku jira Qofkii u dhexeeyey,Kii tirinayay, gaadhiga Dekeda berbera geynaya,Midka sii xaraasaya,Dhakhtarka caafimaadka marinaya ee maxjarka jooga,Cashuurtii Dawlada oo iyada socota iibkasta iyo Degmo Kasta oo uu soo maro.Intaa kadib lacagtii suuqa ayay soo gashaa waxayna saameyn ku yeelataa Sarifka suuqa oo laga dareemo in uu hoos u dhacku yimaado isku badalka lacagaha qalaad ee dibada inooga yimaada, taas waxay ina tusinaysaa Wanka berbera ka dhoofaa in uu garaaco albaabada Baananka aduunka.

Isha dhaqaale ee saameyntaa Togan dalka u leh,waxaa Maanta sixirkeeda hadba siduu doono ka yeela Ganacsade carbeed oo lagu magacaabo Jaabiri, iyo dilaaliinta dalka u jooga Waa Ganacsade Cali Waraabe iyo Ganacsade Aadan Baradho oo iyagu eega uun hadba wixii dan ugu jirta sidey ugu korodhay, oo wuxuuna subax kasta bacadka u dhigaan Xoolaha iyo cidii wadatey,Guud ahaan seyladaha dalka, si aya ugu cabiid sadaan in ay qiimaha hoos usii wadaan.Halka sannadadii hore oo xooluhu intan ka badnaayeen lagu iibsan jirey   5600000 oo Shilin Somaliland ah una dhigmayay $90, ayaa maanta waxay Marayaan 400000 lana qiime ah $60.

Dawlad waxaa masuuliyadeeda ugu horeysa in ay ilaaliso danta Dalkeeda, Xuquuqda shacabka in aan cidi ku xadgudbin iyaguna cid ku Xad gudbin,Hadii ay dawladu garab Martey amase hilmaantey Aawey Asxaabtii Mucaaradku, Sawka kursigaba inagu mashquuliya.

Cid kastoo arintan wax ka qaban karta, oo dawlada Somaliland kow katahay oo ganacsatada waaweyn kujiraan waa in hoos u eegaan, in loo fiirsado Culeysyada dhaqaale ee ay dalka ku keenayso Dhibaatada ka taagan seyladaha xoolaha ee dalka oo hada maraya Hoos u dhicii qiime ee ugu balaadhnaa tan iyo markii Xoolaha somalida loo furey Suuqyada Khaliijka Carabta, oo ka ugu balaadhani yahay Xiliga Carafada oo xoolaha aad loo geeyo Dalka sucuudiga,iyo guud ahaan dalalka Jaseerada carabta.

 

Q/Cabdiraxmaan Cali Nuur

Hargeysa Somaliland

Tell: 4246446