Maxaa Laga Filan Karaa Xildhibaanada Ku Soo Baxay Golaha Deegaanka? – W/Q: Cabdifataax Nuux

Dadku haday i doortaan
kursigaana aan dego
dantaydaan ka talinoo
cashuurtaan daldalanoo
xoolahaa dadweynaha
Daasadaan ku guranoo
baabuurbaan la soo degi
waxaan jeexan daariyo
guryo dayrar waawayn.

Abwaan Mukhtaar Cabdiqaadir

Waxay ahayd gabogabadii olole muddo bil ah soo socday kaasoo xamaasadiisa iyo xiisihiisaba lahaa kaas oo ay ku tartamayeen todoba xisbi mucaarid oo kala mabdaá iyo hadaf duwanaa, kuwaas oo dhamaantood doonayay inay u tartamaan sidii ay ugu gudbi lahaayeen xisbiyo qaran,ololahasi wuxuu ahaa mid guud ahaanba laga dareemayay gobolada dalka iyo guud ahaanba mandaqada, iyadoo duufaanada siyaasadeed ay ahaayeen qaar is celinayay oo xisbiba uu xisbiga kale isku dayayay  inuu hirdiyo oo uu codka shacabka ka qabsado, waxay sidii ahaataba oo uu xisbi kastaaba laabta soo garaaco oo  maalinta uu olalaha u leeyahay soo dhigo wuxuu ciidan iyo cudud haystaba, hadana marna lama saadaalin karayn xisbiyada iskugu soo hadhi doona gegida ciyaaraha,wuxuu wakhtigu ahaado mid is gurayaba waxaa lagaadhay gabagabadii wakhtigii loogu talo galay inuu dhamaado ololaha doorashadu, maalintii ugu danbaysaysayna xisbi kastaa wuxuu soo bandhigay cudud lala yaabay oo xisbi kasta loo malaynayay inuu noqon doono xisbiga ugu codka badnaan doona guushana heli doona, ugu danbayntiina markii uu ololohii doorashadu dhamaaday, waxaa loo xamaan urursaday sidii loo tartansiin lahaa todobadaa xisbi mucaarid iyadoo uu xisbi kastaa ku qanacsanaa kuna raali ahaa inuu heli doono doorasho xor iyo xalaal ah cadaaladana ka ag dhow, maalintii ay taariikhdu ku xardhanayd 28.11.2012 ayay ahayd maalintii guud ahaanba geyiga Somaliland looga dareeray doorashadii lagu kala saarayay xisbiyadii tirada badnaa ,sidoo kalena lagu dooranayay xildhibaanada gobol kasta iyo degmo kasta u matali doona dawladaha hoose,waagu wuxuu ku baryay iyadoo yididiilada iyo rajooyinka uu xisbi kastaa qabaa ay cirka isku shareertay habeenkii oo dhana ay gudoomiyeyaasha xisbiyadu ku riyoonayeen iyagoo xisbigoodu ka soo mudh yidhi xisbiyada, halka qaar kalana manaam lagu tusayay iyagoo noqday xisbiyada u soo gudbay heer siyaasadeed hogaankana u qaban doona ururada tobonka sanadood ee soo socda,hiirtii waabari ayaan arkayay goobaha sanaaduuqda la dhigay oo dad la ciir ciiraya,sidoo kale waxaan arkayay dad aanan baryahaa arag galin hore oo dhamaantood u diyaara inay codeeyaan, hadal haynta ugu wayni waxay ahayd Anaguna Codaynee Idina Ma Codayseen, goobaha laga codaynayo safafku way dhaadheeraayeen, meelaha qaar waxaabad ka fikiraysay malaha safkan la galay gabalka ayaa ugu dumi doona, sidoo kale maalintani waxay kaga duwanayd maalmihii hore waxaa la xanibay oo dhamaan la joojiyay gawaadhidii iskaga gooshi jiray dhamaan gobolada dalka guud ahaantood sidoo kalena waxaa la xanibay gawaadhidii gaaf wareegi jiray wadooyinka magaalooyinka ee khaati bilaahiga laga joogsan jiray, wadooyinku waxay ahaayeen faalal waxaabad arkaysay dadkoo si xarago ku jirto u dhex tax -taxaashaya wadooyinka saw dadkuba baryahaa may arag wado sidan u haawanaysa,neecawdii udgoonayd ee aan baryahaa la arag ee qiiqa baabuurta joojin jirtay ayaa iyadana lala raacayay sanka ala udgoonaydee,dad badan oo aan baryahaa lugayn ayaad arkaysay oo dhididku ka hoorayo oo kolba goob yar ku nasanaya, waxaan kormeer ku maray in ka badan 27 goobood oo ku kala yaalay goobaha ugu muhiimsan ee sanaadiiqda codbixintu yaaleen, waxay igu ahayd layaab iyo u qaadan waa markaan goobtaan maraba ku arko dad igu lahaa waxaanu codaynay 7 jeer, halka qaar kalena ka sheegayeen inay codeeyeen 10 jeer, waxay igu ahayd wax lala yaabo, waxanan ka fikiray oo aan is waydiiyay oo sawtii la lahaa dadka waa la calaamadinayaa oo qofka hal mar codeeyaa mar danbe kuma soo noqon karo , laakin gadaal ayaan ka ogaaday inay arintaasi noqotay hal bacaad lagu lisay, codaynta doorashaduna ay ahayd jaantaa rogan, oo dadka qaar la sheegayay inay codeeyeen in ka badan 15 jeer,sidoo kale waxaa wax lala yaabo oo laga xumaado  ahayd in gawaadhidii loo ogolaaday inay qaataan lambarka gudidda doorashooyinku bixinayeen ay ahaayeen qaar loo adeegsanayay sifo aan sharciga waafaqsanayd oo lagu daabulayay dadyow kala duwan si ay codad dheeraada uga dhiibtaan goobaha kala duwan ee cod bixinta,guud ahaan jawigii aan soo arkay wuxuu ahaa mid aad uga fog sidii la filayay iyo sidii la saadaalinayay, waxay ahayd wax lala yaabo markii in ka badan 10 cod uu qof kastaa kalidii dhiibanayay ,awal waxaa la odhan jiray ( HAL QOF  IYO HAL COD ) doorkanse  waxay ahayd ( HAL QOF IYO TOBAN COD ) taas oo badashay wajigii laga filayay doorashada, sidoo kalena la rajaynayo inay badasho guud ahaanba saadashii la sameeyay doorashada ka hor, sidoo kale dadka falanqeeya arimaha siyaasada ayaa sheegaya in ay dawladaha hoose ay  iman doonaan dad aan ehelkeeda ahayn,taasi waxay u dhacday sidii la filayay oo guud ahaanba markii lagu dhawaaqay Natiijooyinkii doorashada waxaa soo baxay in masraxa la keenay dad aan lagaba filayn oo magac,maamuus iyo mihnad aan midna lahayn marka laga reebo tiro yar, sidoo kale dad badan oo kale ayaa ku andacoonaya in doorashadu ay ahayd mid XOR ah laaakin aanay ahayd mid XALAAL ah, ugu danbayntiina soomalida ayaa ku maahmaahda HAL BOOLI AH NIRIG XALAAL AH MA DASHO, xildhibaanadan  ku soo baxay codka xaaraanta ah ee  qofkastaaba  ku celiyay tobanka jeer, sidee looga filayaa inay noqdaan qaar wax qabad ku soo kordhiya dalka,Hadaba shacabka reer Somaliland oo guud ahaantood ka sinaa arintaasi waxaan leeyahay hadhow yaan lagu calaacalin maxaa xashishka nalooga guri waayay iyo maxaa wax loo qaban waayay, waayo idinkaa marka horeba si Xaaraan ah u codeeyay, xildhibaanada soo baxayna waxaa waajib ku noqonaysa inay u abaal guddaan oo waliba sad buursimo siiyaan dadyowgii codkooda siisay ee la soo jihaatamay garabkana siiyay, aduunkii kaga baxayna ay la soo noqdaan,markaa yaan wax qabad laga sugin, waxaanay xildhibaanadu idin qaadi doonaan heestan

Hadaad Ii Codayseen

Cashuurtaan Dudubinoo

Waxaan Yeelan Camaniyo

Calool Waynoo Goobo Ah

Qalinkii : Abdifatah Sh.nouh Jaamac ( Suldaanka )

Email: Samriye99@hotmail.com

Mobile :4474468