Maxaa Keena Han-jabka?

 

 

Dhallinyaro badan waxay leeyihiin mustaqbal widhwidhaya kaas oo aad ka dhex arkayso indhahooga iyo firfircoonidooda, hankoogu heer sare ayuu gaadhsiisanyahay oo meel fogbay hiigsanayaan laakiin jabkuba wuxuu ku dhacaa markay talaabo qaadaan ee ay ku guulaystaan ee ay haddana mid kale qaadaan ayay carqaladi ka hor imanaysaa, waaba kuwaas han-jabay ee hiigsigoodii hoos u dhigay waxqabadkoodiina diciifay ugu danbayntiina hawada ka baxay ee noqday qof la mid ah kuwii hore uga dhacay nolosha.


Fikir ahaantayda HAN-JABKA waxyaalaha sababa waxaan ku soo ururiyey 4 shay:


1: Iimaan Iyo Cibaado yari: qofku haddii aanu lahayn Iimaan uu ku aqbalo waxa uu waayay inaan Illaahay (S.W.T) u qorin waxa ku imanay niyad jab kaas oo sababaya inuu han-jabo oo uu aakhirkana ku biiro kuwa nolosha ka dhacay iyagoo nool. Sidoo kale haddii aanu qofku Illaahay Cibaado badan u samayn oo aanu ugu mahad naqin guushan uu gaadhsiiyey waxa hubaal ah inuu hankiisa iyo waxqabadkiisuba noqonayaan qaar barakada laga qaaday oo aan if iyo aakhiro toona anfaaci yeelanayn.


Waxa uu Illaahay inoo sheegay in haddii aynu u mahad naqno uu inoo siyaadinayo.


2: Amaan Badan: Qofku marka uu hawl wanaagsan qabto waxa uu istaahilaa in la amaano oo la garab istaago laguna dhiiriyo inuu xagaa ka sii wado hawsha fiican ee uu qabtay, laakiin dad badan ayay ku noqotaa amaantaa badani carqalad oo mooda inay intaas ugu dhantahay taas oo sababta inay hawlqabadkoodii dhimaan caajis badana ku dhaco, Amaantu yay ku hodin ee ha ku hogaamiso canaantuna yay ku dumin ee ha ku dhisto.


3:Canaan iyo dhaleecayn: Dad badan ayaa inta badan xaga taban wax ka eega oo mar walba jecel in dadka wax qabtay dhaleecayn iyo canaan kula dul dhacaan si ay u joojiyaan una hor istaagaan horumarka uu samaynayo qofkaasi, taas oo sababta haddii aanu qofku lahayn awood uu ku dhaafo oo uu iskaga indho tiro canaanta iyo dhaleecaynta; ku noqoto mid inay cabsi badan ku dhalato taas oo ugu danbaynta riiqda hankii iyo himiladii shaqsigaasi lahaa.


4:Dib u dhigasho iyo Wahsi : Dib u dhigashada iyo wahsigu waa mid ka mid ah colka ugu wayn ee saameeya qofka bini’aadamka ah, qofba qofka uu ka dib dhigasho badanyahay kana wahsi badanyahay ayuu ka dib dhacaa nolosha.


Waligaa iska jir 4tan astaamood kuwaas oo keena HAN-Jabka qofku ka Han-jabo hiigsi iyo himilo uu lahaa.


Xamse Siciid Maxamed


Mobile: 4410163