Maxaa kala Qabsaday Maayar Soltelco iyo Xoghayihii Hore ee Dowladda Hoose oo QAAWANI ku kala Calaf-qaaday? (Daawo Muuqaal)

Hargeysa (SLpost)- Xoghayihii hore ee Dowladda Hoose ee magaalada Hargeysa Cali Xasan Cawaale, ayaa maanta xilkii ku wareejiyey Xoghaye Cusub oo Wasaaradda arrimaha Guduhu u soo magacowday, kaddib markii xilkaas looga qaaday Isku-dhacyo iyo khilaafaad dhexmaray Maayarka magaalada Hargeysa.

MAAYARKA XOGHAYAHaddaba, munaasibaddii xil-wareejinta ee maanta, waxa uu masuulkani ku soo bandhigay musuq-maasuq iyo wax-is-dabamarin uu sheegay inay regaadisay Dowladda Hoose ee Hargeysa, isagoo halkaas kaga dooday in Maayarka Caasimaddu uu dano-gaar ah uga faa’idaystay Hantidii ay lahayd Dowladda Hoose, isagoo sidoo kale eedaymo qaawan dusha uga tuuray Maayarka.

Sidoo kale, Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelco oo isaguna ka-daba-hadlay Xoghayihii hore  ayaa isaguna iska difaacay eedaymahaas isagoo si qaawan u weeraray shaqsiyaddiisa iyo wax-qabadkii uu sameeyey muddadii uu joogay maamulka Dowladda Hoose.

HADDABA MUUQAALKAN HOOSE KAGA BOGO SI AY ISU WEERAREEN LABADA MASUUL OO HADAL-QAAWANI KU KALA CALAF-QAADAY

https://www.youtube.com/watch?v=oBItio0EWGw&feature=youtu.be