Maxaa Ka soo Kordhay Xaaladaha Cudurka Covid-19 ee Somaliland? – Xogta Warbixinta maalinlaha ah ee WHC

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa sheegtay  in 14 Qof oo cusub oo qaba xanuunka Covid-19 laga helay ka dib baadhis ay sameeyeen howl-wadeennada caafimaadku 24-kii saac ee u dembeysay gudaha dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Dr Maxamed Abdi Xergeeye oo warbixinta maalinlaha ah ee xaaladda xanuunka la wadaaga Warbaahinta, ayaa Salaasadii maanta sheegay in Dadkan oo looga shakisnaa Caabuqa Coronavirus ay Dhakhaatiirtu ka eegeen, waxaanay noqdeen kuwa xanuunku hayo. Laba qof oo ku noolaa magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, ayuu Agaasimuhu sheegay inay u dhinteen cudurka Covid-19.

Somaliland tirada guud ee Dadka COVID-19 laga helay, waxa ay maraysaa 217 Qof, waxaanu Agaasime Xergeeye sheegay inay xanuunka ka bogsadeen 8 Qof, halka tirada dhimashaduna marayso 17 Ruux.

Warkan oo Faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose